Home Wararka Somaliya Galmudug Wararkii Ugu Danbeeyey Alshabaab ku sugnaa Degmo ka Tirsan Galmudug oo la...

Wararkii Ugu Danbeeyey Alshabaab ku sugnaa Degmo ka Tirsan Galmudug oo la Duqeeyey

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeyn culus oo xalay ka dhacday gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, taas oo lala eegtay goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Duqeyntan ayaa waxaa iska kaashaday ciidamada Xoogga dalka iyo saaxibada caalamiga ah, waxayna si gaar ah uga dhacday duleedka degmada Galcad ee gobolkaasi.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in weerarkan cirka ah lagu beegsaday laba saldhig oo ay Al-Shabaab ku leeyihiin aagga magaalada Galcad, isla markaana lagu gaasiiyay khasaare lixaad leh, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay in la burburiyay goobaha la duqeeyay, welina ay wadaan qiimeynta waxyeelada kooxda kasoo gaartay weerarkaasi.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay si wadajirka u qaadeen ciidamada dowladda iyo saaxibada caalamiga ah.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ay ka socdeen gobollada dhexe ee dalka, kuwaas oo lagu xoreeyay dhul ballaaran.
Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Ragii Gaalkacyo ku Dilay Axmed Tahliil oo lasoo Qabtay
Next articleCiidamada Amaanka oo maanta gacanta ku dhigay haweeney muqaal ku faafisay baraha bulshada, ayada oo aflagaadeyneysa Ilaahey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here