Home Wararka Maanta Caalamka: Israel oo Mar kale Rasaas ku furtay Shacab gar-gaaar sugayay

Caalamka: Israel oo Mar kale Rasaas ku furtay Shacab gar-gaaar sugayay

0

Ciidamada Israa’iil ayaa xalay rasaas ku furay shacabka Falastiiniyiinta Gaza, xilli ay sugayeen in raashin gargaar ah la siiyo koonfurta magaalada Gaza.

Xafiiska warbaahinta ee Gaza ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in beegsiga Israel ay ku hayso shacabka ay muujinayso inay doonayso inay sii kordhiso gaajada ayna sii wado go’doominta iyo musiibada bini’aadantinimo ee Gaza.

Illaa iyo hada lama xaqiijin tiradda wax ku noqotay weerarkan.

Waa markii labaad oo ay ciidamada Israel weerar ku qaadayaan shacabka baadi-goobka ugu jira raashinka, Jimcihii lasoo dhaafay ayey sidan rasaas ugu fureen kumanaan shacab ah oo sugayey in loo qeybiyo gargaarka, weerarkaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 120 qof.

Duulaanka Israa’iil ee Gaza oo soo bilowday bishii Oktoober 2023 ayaa waxaa illaa iyo hada ku dhintay ugu yaraan 30,534 qof, halka 71,920 kalena ay ku dhaawacmeen.

Ad
Previous articleCaalamka: Xuutiyiinta oo Sharuud ku xiray Maraakiibta isticmaaleysa Badda Yaman
Next article50 kamid ah Xubo ka tirsan Shabaab oo lagu dilay Hawlgalo socda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here