Home Wararka Somaliya Puntland Maxkamada Sare ee Puntland oo Ka Hortimid Go,aankii SSC uga Baxeen Puntland

Maxkamada Sare ee Puntland oo Ka Hortimid Go,aankii SSC uga Baxeen Puntland

0

Maxkamadda sare ee maamul goboleedka Puntland ayaa war kasoo saartay go’aannadii kasoo baxay Isimada dhaqanka SSC oo maalin ka hor shaaciyay in aysan qayb ka noqon doonin doorashada maamulkaas, ayna isaga baxeen.

Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda sare ee Puntland Axmed Sheekh Cumar Xasan oo qoraal soo saaray ayaa talo sharci ah soo jeediyay, kadib go’aankii SSC-khaatuma.

Axmed Sheekh Cumar oo ah nin kasoo jeeda SSC ayaa ka horyimid go’aanka ay qaadeen Isimada Khaatuma wuxuuna sheegay inuu ka dhiman yahay habraaca loo maro heshiisyada iyo ka bixistooda, kaas oo ah is waafajinta danaha dhinacyada uu khuseeyo go’aanka.

“Inuu go’aanka Isimada ka dhiman yahay habraaca loo maro heshiisyada ama ka bixistooda habraacyadaas oo ah kuwa is waafajinaya danaha dhinacyada ay khuseeyaan, maadaama uu go’aankooda ku dhisan yahay maslxadda hal dhinac oo kaliya” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in Puntland ay xaq u leedahay inay qabsato doorashadeeda, maadaama ay go’aankani lasoo daaheen Isimada SSC-Khaatuma.

“Inay Puntland xaqu uleedahay inay doorashadeeda u qabsato qaabkii horay loogu qaban jiray, SSC-na ay ku caban karin, maadaama aanay Isimadu go’aankooda kusoo gudbin waqtigii ku haboonaa” ayuu mar kale yiri guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda sare.

Waxaa kale oo uu ku taliyay in doorashada dib loo dhigo inta xal laga gaarayo, isla markaana kharashaadkii baxay ay dagamaad qaado SSC-Khaatuma.

Ugu dambeyn wuxuu soo jeediyay inay sii shaqeeyaan 17-kii xildhibaan ee baarlamaankii 5-aad inta iyana arrintooda laga xalinayo soo xulista xildhibaanada ka imaanaya SSC.

Si kastaba, Xaaladda Puntland ayaa haatan ah mid cakiran, waxaana isugu darsamay khilaafka doorashada oo aan xal loo helin iyo go’aanka ay qaateen Isimada SSC.

Ad
Previous articleXamaas oo oo Warkasoo saartay dadka xerada qaxootiga ee Marinka Qasa lagu laayay
Next articleDowlada soomaaliya oo Ka Hadashay Dagaalkii Qaraaraa ee Shalay ka Dhacay Duleedka Caad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here