Home Wararka Somaliya Galmudug Dagaal Caawa Ka Dhacay Guriceel iyo Dhimasha Iyo Dhaawac ka Dhashay Dagaalkaas

Dagaal Caawa Ka Dhacay Guriceel iyo Dhimasha Iyo Dhaawac ka Dhashay Dagaalkaas

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in laba qof ay ku dhinteen inta la xaqiijiyey ilaa 4 kalena ay ku dhaawacmeen is rasaasayn caawa dhacday.

Israsaaseyntaan ayaa caawa dhex martay ciidamada amniga iyo kooxo budhcad ah, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan booliska.

Iska hor imaadka ayaa ciidanka booliska iyo kuwa nabad sugidda oo dhinac ah wuxuu dhex maray kooxdan lagu tilmaamay dabley hubaysan oo burcad lagu sheegay.

Iska hor-imaadkaan ayaa dhacay kadib markii ay ciidamada amnigu bilaabeen hawlgal ay doonayeen inay ku sameeyaan hub ka dhigis.

Mid ka mid ah labada dhimasho ayaa la xaqiijiyey inuu yahay askari ka tirsan booliska halka kan kale uu yahay qof shacab ah.

Weli lama shaacin tirada rasmiga ah ee khasaraha, waxay wararku nagu soo gaarayaan in laba ka mid ah dadka dhaawacmay ay yihiin shacab, halka laba kale ay yihiin askartii hawlgalka ku jirtay.

Qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa la gaarsiiyay isbitaalka Al-shifa ee magaalada Guriceel.

Ad
Previous articleHowlgalkii koonfurta Gobalka Mudug oo Bilowday iyo Alshabaab oo Dhul Hor lehlaga Saaray(Sawiro)
Next articleWararkii Ugu danbeeyey Dagaalkii ka dhacay Guriceel iyo Awaamiir culus oo lasoo saaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here