Home Wararka Maanta Al-Shabaab oo ka carootay magacyadii saxaabada ee loo bixiyay guutooyinka militariga Soomaaliya?

Al-Shabaab oo ka carootay magacyadii saxaabada ee loo bixiyay guutooyinka militariga Soomaaliya?

0

Dhawaan waxa la shaaciyay magacyo cusub oo loo bixiyay guutooyin ka tirsan miltariga Soomaaliya, kuwaas oo horey aan loogu bixin jirin.

Magacyada cusub ee loo bixiyay qaar kamid ah guutooyinka milatariga Soomaaliya, waxa loogu magac daray xubno ka mid ahaa saaxabadii nabiga NNKH, sida Cumar Binu Khadaab, Cali Bin Abii Daalib iyo Khaalid Binu Waliid.

Magacyadaas kuwo kamid ah, waxa horey xeryahooda tababarka iyo unugyadooda dagaalama ula baxay ururrada islaamiyiinta ah ee ka dagaalama Soomaaliya.

Guutooyinka qaarkood waxaaba hadda la geeyay furimaha dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Suurtagal ma tahay in furinta dagaalka ay fooda is galiyaan labo ciidan oo isku magac ah?

Guutada Khaalid Binu Waliid ee milatariga Soomaaliya waxay dhawaan ka hawlgaleen gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, iyagoo is fara saaray dagaalamayaasha Alshabaab.

Ibraahim Aadan oo horey ula soo shaqeeyay xarakaadka jihaadiga ah ee Soomaaliya balse markii dambe isaga haray, haddana ka faalooda arimaha ururrada islaamiga ah ayaa rumeysan suurtagalnimada in goob dagaal oo la isku fara saaray ay isku arki karaan kooxo isku magac ah.

“Inkastoo Alshabaab ay hadda ku yar tahay isticmaalka magacyada saxaabadii oo ay taas ka door bidaan magacyada hoggaamiyayaasha kooxaha jihaad doonka casriga ah, haddana meesha lagama saari karo in goob dagaal ay isku herdiyaan ciidamada dawladda oo wata magac saxaabi iyo unug dagaalama oo Alshabaab ah oo isna wata magaca isla saxaabigaas” ayuu yiri Ibraahim Aadan.

Magacyada cusub ee loo bixiyay guutooyin ka tirsan milatariga, waxay ka caraysiisay ururka Alshabaab, oo u arka inay taasi dhaawacayso afkaarta ay dadka u sheegi jireen ee ahaa in kuwa ay la dagaalamayaan ay yihiin kuwa diinta ka baxay.

“Hadda markii ciidamada dawladda guutooyin ka mid ah loo bixiyay Cali Bin Abii Daalib iyo Khaalid Binu Waliid, Alshabaab aad bay u dhibtay maxaa yeelay waxay sheegi jireen in ciidanku diinta ka baxay, haddana magac saxaabi bay wataan, taasi waxay dhaawacday fikradihii ay iibin jireen” ayuu yiri Ibraahim Aadan oo horey ula soo shaqeeyay ururka Alshabaab.

Dawladda ayaa qabta in magacyada wanaagsan si kasta oo ay Alshabaab ula baxeen inay sax tahay in loo bixiyo ciidamada dawladda.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Janaraal Cabdillaahi Cali Caanood ayaa sheegay in magacyadan cusub horey aan ciidanka loogu bixin jirin, balse uu aad u soo dhaweynayo in hadda lagu baraarugo magacyadan oo uu yiri wadamo badan oo islaam ah ciidankooda iyo kuliyaddaha ciidamada, way u bixiyaan, isagoo tusaale u soo qaatay wadamada Sucuudiga iyo Iiraan.

“Aad baan ugu faraxsanahay, in hadda guutooyinka qaar loo bixiyo Cumar Binu Khadaab iyo Cali Bin Abii Daalib, dad islaam ah weeye, innagu markii hore waxan ula bixi jirnay dadkeenii halyeeyada ahaa iskuulada, jaamacadaha iyo kuliyaddaha ciidamada”

Janaraal Caanood oo la waydiiyay muuqaalka laga dheehan karo labo ciidan oo isku magac ah oo furin dagaal isaga hor yimid ayaa sheegay, in magacyada wanaagsan aan looga tagaynin koox markii horeba ka been sheegtay.

“Cali Bin Abii Daalib, Cumar Binu Khadaab iyo Khaalid Binu Waliid Alshabaab looga tagi maayo, waa muslimiintii rasmiga ahayd, waa kuwa aan dariiqooda ku taagannahay, waa dadkii salafiyiinta ahaa ee ahlu khayrka ahaa, annagaana ku saxsan haddii qolo magac ula baxayso inaan magacyadooda la baxno” ayuu yiri Janaraal Caanood.

Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH:Wasiirka Ciyaaraha Oo Xilka Qaaday Gudoomiyihii Sababta u ahayd Guuldaradii Iyo Fadeexadii shalay dhacday
Next articleDonald Trump oo lagusoo oogay dacwadihii ugu darnaa tan iyo bilowgii eedaymihiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here