Home Wararka Maanta Midowga Yurub oo hakiyay dhaqaalihii uu siin jiray hay’adda cunnada adduunka ee...

Midowga Yurub oo hakiyay dhaqaalihii uu siin jiray hay’adda cunnada adduunka ee WFP ee Soomaaliya.

0

Midowga Yurub ayaa hakiyay dhaqaalihii uu siin jiray hay’adda cunnada adduunka ee WFP ee Soomaaliya.

Hakintaan oo lagu sheegay inay tahay mid kumeel-gaar ah ayaa timid kadib markii baaritaan ay sameysay Qaramada Midoobay lagu ogaaday xatooyo baahsan iyo ku takrifalka lagu sameeyay gargaarka.

Mid kamid ah saraakiisha sare ee Midowga Yurub ayaa sheegay in go’aanka la qaatay kadib markii baaritaanka Qaramada Midoobay lagu ogaaday in xatooyo baahsan lagu sameeyay gargaarka loogu tala-galay dadka nugul.

Baaritaanka QM ayaa sidoo kale waxaa lagu ogaaday in mulkiilayaasha dhulka, maamulka deegaanka, xubno ka tirsan ciidamada ammaanka iyo shaqaalaha samafalka ay dhamaantood ku lug leeyihiin arrintaan.

Xubnahaan ayaa la sheegay in barakacayaasha iyo guud ahaan ka faa’iideystayaasha ay ku khasbeen inay bixiyaan kala bar kaalmada lacagta caddaanka ee WFP ay ka helaan, iyada oo loogu handadayo in la xirayo ama laga saarayo diiwaan-gelinta liisaska ka faa’iideystayaasha kaalmadda caalamiga.

Sarkaalkan oo magaciisa la qariyay ayaa waxa kale oo uu tilmaamay in gargaarka dib loo soo celin doono marka ay WFP buuxiso shuruudo dheeraad ah, oo la hordhigay xilligaan, si looga fogaado musuqa gargaarka.

Shuruudaha dheeraadka ayaa la sheegay inay kow ka tahay oo mudnaanta la siinayo in la kala shaandheeyo la-hawlgalayaasha hay’adda ee ku sugan Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa in ka badan 7 Milyan oo doollar ku siiyay WFP sannadkii tegay, wuxuuna ujeedka ahaa in dhaqaalaha uu siiyo barnaamijka cuntada adduunka ee QM looga hortago macluusha Soomaaliya.

WFP kama aysan jawaabin go’aanka kasoo baxay Midowga Yurub ee uu ku hayay dhaqaalihii uu siin jiray.

Si kastaba, saddex billood kahor unbey aheyd markii WFP iyo USAID ay hakiyeen cuntadii gargaar ee ay siin jireen dalka Itoobiya si ay uga jawaaban xatooyada baahsan ee lagula kaco gargaarka iyo barnaamijyada kaalmada lacageed.

 

Ad
Previous articleDiyaarad laga Leeyahay kenya oo ku Burburtay Soomaaliya
Next articleMasuuliyiin Sar sare oo Gaaray Camaara oo Alshabaab Shalay laga Saaray(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here