Home Wararka Maanta WAR DEG DEG AH: Golaha Wasiirada Soomaaliya oo kulan Xasaasi ah ka...

WAR DEG DEG AH: Golaha Wasiirada Soomaaliya oo kulan Xasaasi ah ka Yeeshay Heshiiskii Golaha wadatashi Qaran

0

Golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay xarunta Villa Soomaaliya ee Muqdisho, kaas oo uu guddoomiyaha ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Kulankan oo ay goobjoog ahaayeen inta badan xubnaha golaha wasiirada ayaa waxaa diirrada lagu saaray go’aanadii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee todobaadkan lagu soo gabagbeeyay magaalada caasimada ah ee Muqdisho/

Golaha ayaa su buuxda u taageeray heshiiskii laga gaarayu doorashooyinka laguna beddalayo nidaamkii hore ee dowladnimada, sida lagu caddeeyay heshiiska.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadda looga fadhiyo dhaqan-galinta heshiiskii Hannaanka doorashooyinka oo fursad qaaliya u ah shacabka Soomaaliyeed in ay ku go’aaminayaan hoggaankooda.

Xamza ayaa tilmaamay in sidoo kale mas’uuliyad gaar ah ay ka saaran tahay amniga, gaar ahaan xoreynta dalka, si looga saaro Al-Shabaab.

“Annaga ka xukuumad ahaan waxaa waajib inagu ah xoreyntii dadka si ay u codeeyaan oo ay xuquuqdooda siyaasadeed fursad ugu helaan”. Ayuu yiri Ra’isul Wasaare Xamza.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in amnigu yahay ajande qaran oo u baahan in la dardargaliyo, dhawaanna Xukuumaddu ay bilaabi doonto wajiga labaad ee dib u xoreynta goobaha Shabaab kaga sugan tahay dalka, isagoo faray wasiiraddu inay hoggaan u noqdaan oo ay tagaan furimaha dagaalka.

Sidoo kale waxa uu faray golaha wasiiradu in ay qaataan doorka kaga aadan hirgelinta hannaanka doorashooyinka, iyadoo shacabka fasiraad buuxda laga siinayo ahmiyada uu heshiisku u leeyahay bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale tilmaamay in loo baahan ka xukuumadan ahaan inay xoogan la saaro deyn cafinta dhammeystirka Dastuurka oo muhiim u ah heshiiska .

“Hadafka Xukuumadda DanQaran waa in aynaan noqon Kacaan siyaasadeed oo cusub laakiin aynu noqono Kacaan amniga suga oo dalkan nabad kusoo celiya, dayn cafis keena, dastuurka dhamaystira, oo geedi rays leh iyo deegaan barwaaqo ah dalka geeya” ayuu raaciyay.

Ad
Previous articleAl-Shabaab oo mar kale weerar ku qaaday xero ay leeyihiin ciidanka ATMIS
Next articleDuulimaadyadii gobolka Gedo oo hakad ku jira iyadoo eedeynta dusha laga saaray Reysul wasaare Xamse Cabdi Barre

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here