Home Wararka Maanta Wararkii Ugu danbeeyey Alshabaab ku Sugnaa Koonfurta Mudug oo la Duqeeyey iyo...

Wararkii Ugu danbeeyey Alshabaab ku Sugnaa Koonfurta Mudug oo la Duqeeyey iyo Ciidamada Dowlada oo kaabiga Ku Haaya Magaalada…..

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeymo culus oo xalay ka dhacay deegaano dhaca koonfurta gobolka Muudg, kuwaas oo lala eegtay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa halkaasi.

Duqeynta koowaad ayaa lala beegsaday gaari ay la socdeen xubno ka tirsan kooxda oo marayay deegaan hoostaga Xarardheere, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Sidoo kale diyaaradaha duqeymaha fuliyay ayaa beegsaday goob kale oo ay isku uruursanayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo iyana ku taalla koonfurta Mudug.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in la burburiyay gaariga lala beegsaday duqeynta, sidoo kalena khasaare culus la gaarsiiyay xubnaha Al-Shabaab.

Waxay sidoo kale saraakiisha intaasi ku dareen in ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo ka baxay dhanka degmada Xarardheere ay hadda kusii siqayaan deegaanada la duqeeyay, si ay Al-Shabaab uga saaraan halkaasi.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan duqeyntaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaiya.

Gobollada Dhexe ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo dhul ballaaran lagu xoreeyqya, kadib markii ay gaareen ciidamada huwanta.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Shaaciyay in Dowladiisu Qaadan Doonin Dayn Shaaciyayna Lacag Wali Soomaaliya lagu leeyahay
Next articleTirada wariyaasha tebinayay dagaalka Qasa ee la dilay oo la shaaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here