Home Wararka Maanta Guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta golaha wakiilada Puntland oo Talaabo Culus Qaaday...

Guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta golaha wakiilada Puntland oo Talaabo Culus Qaaday Xili Xaaladu kacsantahay

0

Guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta golaha wakiilada Puntland ee uu dhawaan magacaabay Deni ayaa maanta soo saaray jadwalka iyo shuruudaha laga rabo musharixiinta xildhibaanada cusub ee baarlamaanka maamulkaasi, taas oo uga sii dareysa xiisadda siyaasadeed ee haatan ka taagan magaalada Garoowe.

Guddigan oo welu lagu muransan yahay ayaa maanta shaqo bilaabay, kadib markii xalay ciidamada PMPF ee ka amar qaata Saciid Deni ay la wareegeen xarunta baarlamaanka.

Shuruudaha uu guddiga soo bandhigay ayaa gaaraya illaa siddeed qodob, waxayna kala yihiih:-

Inuu yahay muwaadin reer Puntland ah, muslim ah, guta waajibaadka diiniga ah, xilkas ah anshax wanaagsan, miyirkiisu dhan yahay, da’diiusuna aanay ka yareyn 30 sano.

In aan xaquuqdiisa muwaadinimo xukun maxkamadeed lagaga ilaalin 5tii sano ee la soo dhaafay

Inuu leeyahay ugu yaraan aqoon dusgsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta

Inuu keensado habraacii soo xulista xubinimada reerkiisa

Inuu keensado shahaado dugsi sare ama wax u dhigma

Inuu keensado laba sawir iyo taariikh nololeedkiisa (CV)

Inuu keensado warqadda dambi la’aanta.

Sidoo kale waxaa guddiga xallinta khilaafaadka uu sheegay in jadwalkan uu maanta bilaabanayo, kuna egyahay illaa 25/12/2023-ka.

“Qabashada codsiyada iyo faylasha qofka buuxiyay shuruudaha kor ku xusan waxay bilaabaneynsaa 17/12/2023, waxayna ku egtahay 25/12/2023” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xulista xidhibaanada cusub kadib waxaa xigi doona doorashada madaxtooyada oo ay weli isku hayaan madaxweyne Saciid Deni iyo xubnaha mucaaradka ee maamulka Puntland.
Ad
Previous articleCiidamo ka Amar Qaata Deni oo Xoog kula Wareegay Xaruntii Baarlamaanka Puntland
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Horjooge sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo la duqeeyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here