Home Wararka Maanta Gaari ay Leedahay Shirkada Hormuud oo Lagu Qarxiyay Duleedka Muqdisho iyo Shaqaalaha...

Gaari ay Leedahay Shirkada Hormuud oo Lagu Qarxiyay Duleedka Muqdisho iyo Shaqaalaha Shirkado oo ku Dhintay

0

Qarax Miino oo ka dhacay deegaanka Km13 ayaa lala beegsaday gaari Hilux ah oo ay leedahay Shirkada Hormuud.

Waxaa shalay oo taariikhdu ahayd 13/12/2023, abaaro 5tii galabnimo qarax weyn oo nuuca miinada dhulka lagu aaso ah lala eegtay gaari ay leedahay Shirkada Hormuud.

Inta la xaqiijiyey waxaa ku geeriyooday Axmed Cumar cabdulle oo ka tirsanaa Shaqalaha Shirkadda Hormuud oo xalay fiidkii u geeriyooday dhaawacii kasoo gaaray qaraxa Axmed ayaana Kasoo Jeeday Beesha Sacad Gaar ahaan Reer nimcaale.

Waxaa xusid mudan in sidan oo kale, qaraxyo lala beegsaday qaar ka mid ah laamaha iibka ee shirkaddu ku leedahay Xero-Jarmal (Xarutii Tababarka Farsamada Gacanta XTFG) ee Degmada Dayniile & BTS-kii degaanka Muusaaley ee Ceelasha biyaha taariikhdu markay ahayd 09-November-2023.

Dowladda Somalia & Shirkadda Hormuud ayaan weli ka hadlin dhacdooyinkaan, mana jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxyadan, iyo cid loosoo xiray toona.

Ad
Previous articleWiilka Madaxweyne Xasan Shiikh oo lagu Qasbay inuu ku laabto Turkiga Si loo Maxkamadeeyo
Next articleGudoomiyihii Kasoo Shaqeeyey Degmooyinka Hodan iyo Xamar Wayne Abuukar Salaad ee Alshabaab Codkiisa Baahiyeen oo ugu danbayn laxukumay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here