Home Wararka Maanta Mid kamid ah Musharixiintii Madaxweynaha Soomaaliya oo Safiir loo magacaabay

Mid kamid ah Musharixiintii Madaxweynaha Soomaaliya oo Safiir loo magacaabay

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jabriil Ibraahim Cabdulle u magacaabay safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya.

Magacaabistan ayaa imaneysa kadib markii uu Danjire Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) soo afmeeray shaqadii diblumaasiyadeed ee Kenya, ahaana safiirkii Soomaaliya u fadhiya dalkaasi.

Danjiraha cusub ee uu magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wuxuu kamid ahaa siyaasiyiin dhowr ah oo mar isku soo sharaxay xilka madaxweynaha Soomaaliya, sidoo kalena wuxuu 10-kii sano ee la soo dhaafay ka shaqeeyay Kenya.

Amb. Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa tegi doona magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, xilli dowladda Kenya ay sidoo kale beddeshay safiirkeedii u fadhiyay magaalada Muqdisho.

Dowladda Kenya ayaa dhawaan sagootisay danjire Tarsan, oo isagu soo gaba-gabeeyay mudadii uu ahaa safiirka dowladda federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, isaga oo dib ugu laaban doona dalka.

Tarsan ayaa tan iyo sanadkii 2018-kii soo ahaa safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya, waxaana intii uu xilka hayay uu kaalin mug leh ka qaatay xoojinta xiriirka labada dal. Wuxuu kaloo ahaa nin aad ugu ololeeya nabadda iyo xasilloonida Bariga Afrika iyo Geeska Afrika.

Ad
Previous articleMaxay yihiin faa’iidooyinka Soomaaliya ugu jira ka qeyb noqoshada Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrik oo maantay Ku biirtay?
Next articleGanacsade kale oo Kasoo Jeeda Cadaado oo Markale Lagu Dilay Mareergur

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here