Home Wararka Maanta Sidee u dhacay dilka macallin iyo dhaqtar lagu hor dilay hooyadood oo...

Sidee u dhacay dilka macallin iyo dhaqtar lagu hor dilay hooyadood oo ay muddo kala maqnaayeen ee Duleedka Dhuusamareeb?

0

Xalay saqdii dhexe ayaa tuulada Ilix oo 30 KM u jira magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowladda gobaleedka Galmudug lagu dilay laba wiil oo walaalo ah kuwaas oo kala ahaa macallin dugsi qur’aan iyo dhaqtar.

Waxaa lagu kala magacaabi jiray Dr Axmed Xasan Cismaan iyo walaalkiis yar macallin Liibaan Xasan Cismaan.

Farxaan Cabdullahi Cali oo ka mid ah ehelada wiilasha ayaa BBC-da u sheegay in Dr Axmed Xasan Cismaan oo in muddo ah deeganka ka maqnaa uu dhawaan yimid si u soo arko hooyadii oo xanuunsanayd iyo in uu xarun caafimaad uu ka hirgaliyo magaaladda Gurceel.

“Walaalahay gacan ka xaqdaran ayaa dishay. Macalin Liibaan Xasan Cismaan waligiis quraanka ayuu dadka bari jiray, Dr Axmed Xasan Cismaan deeganka waa ka maqnaa oo waxbarasho ayuu Muqdisho iyo Nairobi u jiray oo hadda ayuu dib ugu soo laabtay “ ayuu BBC da u sheega Farxaan.

Waxaa uu sheegay in aysan garanayn cida dishay wiilashooda, balse ay jiraan aanooyin qabiil oo mararka qaar ka dhac deeganka.

“Odayaasha dhaqanka, laamaha ammaanka iyo maamulka waxaay noo sheegeen in ay ku dabjoogaan dadka dilka gaystay. Ma jirto cid ilaa iyo hadda aan ognahay oo dilka gaystay, hadii wiilashu ay cabsi qabaan halkas ma imaan lahyeen,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dilalka ku salaysan aanooyinka qabiilka ayaa mudooyinkii danbe kusoo noqnoqday deegano ka tirsan gobolka Galgaduud.

Dr Axmed Xasan iyo macalin Liibaan Xasan ayaa ahaa laba da’ oo isku xigtay – 30 sano iyo 28 sano ayay kala jireen.

Waxaan isku daynay inaan la xiriirno hooyada dhashay labada wiil, balse waxaa naloo sheegay inay ku jirto xaalad murugo oo aad u daran.

Markii dilku dhacayay ayay ku sugnaayeen labada wiil guriga hooyadood, iyada oo hooyadu goobjoog ka noqotay falka naxdinta leh ee farxadii ay wadaageysay wiilasheeda u badalay tacsida xanuunka badan.

Macallin Liibaan Xasan wuxuu ifka uga tagay xaas iyo caruur, waxaa naloo sheegay in Dr Axmed uusan wali guursan sidaas BBC -da la wadaagay Farxaan Cabdullahi Cali oo ay ilmo adeer yihiin.

Ad
Previous articleGudoomiye Madaale oo Balan Qaaday Daawayna WiilkiinDhawaan isku Qabsadeen laba Qoys oo Muqdisho Dagan
Next articleMaxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland oo burisay go’aankii baarlamaanka Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here