Home Wararka Somaliya Galmudug Wararkii Ugu Danbeeyey Duqaymo Culus oo Lagu Qaaday Alshabaab ku Shirsanaa Degaan...

Wararkii Ugu Danbeeyey Duqaymo Culus oo Lagu Qaaday Alshabaab ku Shirsanaa Degaan ka tirsan Galmudug

0

Wararka naga soo gaaraya deegaanaga Galmudug gaar ahaan Galgaduud ayaa sheegaya in Diyaarado dagaal Xalay Duqayn Culus ka gaysteen Meel U dhaxaysa Budbud iyo Wabxo oo ka wada Tirsan Galgaduud.

Goobta la Duqeyeey ayaa la sheegay inuu shir uga socday Madaxda alshabaab ee kusugan Gobalka galgaduud kuwaas oo ka arinsanaayay weerarada Culus oo kusoo wajahan iyo sida ay uga hortagi lahaayeen Saraakiil Sarsare oo aan wali Magacyadooda La shaacin ayaa la sheegay inay Halkaas ku dhinteen.

Majirto wax war ah oo wali kasoo baxay Dhanka ciidanka xooga dalka kaas oo lagu faahfahinaayo khasaaraha ka dhashay weerarkaan lagu qaaday Alshabaab.

Dhawaan ayay ahayd Alshabaab weerar ahaa lagu qaaday Dagaal Toos ah iyo kuwa Cirka ah Taas oo looga burburiyay Gadiid badan iyo Ciidankii saarnaa.

Dhanka kale Dhuusamareeb iyo Guriceel ayaa laga Dareemayaa Diyaar garow dagaal kaas oo ku wajahan Degmooyinka Ceelbuur iyo ceel Garas oo Alshabaab Wali ku Harsanyihiin Alshabaab ayaa Wajahaaya Culus kii ugu xumaa Xili uu Bilowday Dagaalka wajiga Labaad.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa dalbaday in inta uusan tagin Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb in Alshabaab Laga saaro Degmada Qadiimiga ah ee ceelbuur Shalay ayaa Waxaa maaalada Guriceel Lagu soo Bandhigay Ciidamo Farabadan oo laga soo aruuriyay Deeganada Ku Teedsan Magaalada Guriceel si ay uga qaybqaataan Qabashada Magaalada Ceelbuur iyo Ceelgaras.

Ad
Previous articleAlshabaab oo weerar Culus Markale ku Qaaday Baydhabo
Next articleCumar Macalin Nuur iyo masuuliyiin kale oo Xatooyo Xoolo Dadawayne lagu eedeeyey oo Markale Maxkamada Gobalka Banaadir kasoo Muuqday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here