Home Wararka Maanta Dowladda Soomaaliya oo ka laabatay Go’aankii Kenya Xariirka Loogu jaray

Dowladda Soomaaliya oo ka laabatay Go’aankii Kenya Xariirka Loogu jaray

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay dib u soo celisay xiriirkii Diblomaasiydeed ee ay la laheyd dowladda Kenya, kaddib wada hadal mira dhal ah oo ay yeesheen madaxda labada dal, kaasoo ay garwadeen ka aheyd dowladda Qatar.

Kenya ayaa markii horeba sheegeysay in xiriirka uu dhankeeeda caadi ka ahaa, dhowr jeer oo Dowlado iyo diblomaasiyiin ay arrintan kala hadleen u sheegtay in Soomaaliya soo celiso xiriirka.

Arrintan ayaa ka dambeysay kaddib saacado un kaddib markii Ergeyga Qatar ee Wasaaradda Arrimah Dibadda Qatar uu booqasho ku tagay Nairobi, lana kulmay Madaxweyne Uhuru Kenyatta, isagoo gaarsiiyay farriin uu ka siday Amiirka Qatar.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhamaadkii bishii December shaacisay inay xiriirka u jartay Kenya, isla markaana ku amartay Safiirkii Kenya inuu Muqdisho ka baxo, lana soo laabatay safiirkeeda iyo shaqaalihii ka joogay Nairobi.

 

Ad
Previous articleMadaxweyne Sheekh shariif oo ka hadlay Heshiiskii Muqdisho ka dhacay
Next articleWadooyinkii ay xireen Milateriga oo dib Loo Furay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here