Home Wararka Maanta Kulan Xasaasi ah oo Nairobi uga Bilowday Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh...

Kulan Xasaasi ah oo Nairobi uga Bilowday Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh Maxay kawada Hadlayaan?

0

Sida aan ogaanay shir wadashi ah ayaa magaalada Nairobi uga bilowday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

Ujeedka shirka ayaa ah sidii looga tashan lahaa arrimaha dastuurka, xoojinta la dagaalanka Argagixisada iyo sidii is-faham looga gaari lahaa arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qorsheynaya inuu la kulmo xubno kale oo ka tirsan mucaaradka, sida Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Inta badan siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ka soo hor jeeda qorshaha wax ka bedelka dastuurka ayaa jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qorsheynaya inuu Nairobi kula kulmo siyaasiyiinta diidan qorshihiisa dastuurka, waxaana ugu horeeya Sheekh Shariif oo caawa uu kulan gaar ah la yeeshay.

Madaxweynaha ayaa maanta tegay Nairobi, wuxuuna halkaas kula kulmay madaxda ugu sareysa dalka Kenya, safarka Xasan Sheekh ayaa labo geesood ah, wuxuuna ku qotomaa xiisada kala dhaxeysa siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo shirar gaar ah oo madaxda Kenya uu la yeelanayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Labada dal, amniga xuduudaha Soomaaliya iyo Kenya, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, dariswanaagga iyo xasilloonida Gobolka.

Madaxweynaha dowladda Kenya Mudane William Ruto ayaa muujiyey sida dalkiisu u garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah argagixisada,waxaana uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay In la sameeyo qorshe wada jir ah oo lagu ciribtirayo argagaxisa gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Kenya soo dhaweynta diirran, isagoo xusay iskaashiga taarikhiga ah ee Soomaaliya iyo Kenya oo maanta ay tahay in la xoojiyo maadaama Labada dalba ay ka go’an tahay in la dabar-gooyo argagixisada Alshabaab oo caqabad weyn ku ah horumarka iyo nolosha shucuubta gobolka.

Ad
Previous articleShiikh Shariif oo Hambalyo u diray Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya
Next articleKenya oo soo jeedisay qaab cusub oo lagu damin karo xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here