Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya Iyo Dowlada Itoobiya oo Heshiis Cusub Kukala Saxiixday Adisababa

Dowlada Soomaaliya Iyo Dowlada Itoobiya oo Heshiis Cusub Kukala Saxiixday Adisababa

0

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Fardowsa Cismaan Cigaal iyo dhigeeda dalka Itoobiya, Marwo Dagmawit Moges ayaa maanta goobjoog u ahaa munaasabad ka dhacday Addis Ababa oo lagu saxiixay heshiiskii adeegga hawada (ASA) ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo dib u habeyn lagu sameeyay.

Heshiiskan ayaa la dhaqan geliyey markii ugu horeysay 3-dii December sanadki 1988-dii.

Saxiixa Heshiiskan ayaa la sheegay inuu la jaanqaadayo waqtigan la joogo, iyadoo lagu sameeyay isbeddelo lagu horumarinayo iskaashiga labada dal ee dhinacyada gaadiidka iyo duulista hawada.

“Heshiiskan 1988-dii ayaa horay loo saxiixay, maadaama 35-sano ay ka soo wareegatay, waxaan u baahanahay in aan helno heshiis casri ah oo la jaanqaadi kara qarnigan la joogo.” ayey tiri wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Xil. Fardowsa.

Waxay intaas ku dartay intaa ku dartay  in heshiiskan uu horumarinayo iskaashiga iyo khibrad wadaagga dhinacyada gaadiidka iyo duulista hawada labada dowladood.

Ad
Previous articleKooxda TPLF oo wareejisay hubkii cuslaa oo ay labo sanno ku dagaalamayeen
Next articleAlshabaab oo Odayaal Aysoo Afduubteen Dartood Dagaal Qaraar ku Dhexmaray Gobalka Hiiraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here