Home Wararka Maanta Buuq Xoog leh oo Ka taagan Magacaabista Gudoomiyaha Gobalka Banaadir iyo Shir...

Buuq Xoog leh oo Ka taagan Magacaabista Gudoomiyaha Gobalka Banaadir iyo Shir looga soo Jeestay oo la qabtay(Sawiro)

0

Kulan ay ka qayb-galeen siyaasiyiin, odayaal dhaqan iyo saraakiil ciidan loogana hadlayo magacaabista Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana beesha kulankaan qabsatay ee Galmaax Yoonis ku diidan-tahay in guddoomiyaha gobalka loo magacaabo qof aan kasoo jeedin beeshooda.

Dhaqanku waxay sheegeen in ay soo gaartay warbixino sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya uu kursigaas u xushay qof aan beeshooda aheyn, waxayna ka digeen arrintaas. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wajahaya cadaadis badan oo ku aadan magacaabista maamulka gobalka iyo taliyaasha ciidamada dowladda.

Nabadoon Kaanti “Xasan Sheekh albaabka ayuu ka xirtay Xildhibaanka Galmaax, odayaasha iyo dadkii waxgalka ahaa, HSM hore ayuu Galmaax uga qaaday safiirkii Midowga Yurub, Safiirkii Kenya iyo guddoomiyihii gobalka hadana meesha uu wax u wado kama aqbali doono”

“Madaxweyne Xasanow warka habeenkii laguu sheego Galmaax ma yeeli doono, dowlad aan Galmaax qayb ka aheynne makuu shaqeyn doonto ee ogow”

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Sheikh oo Maanta ku wajahan Sacuudiga
Next articleMadaxweynaha dalka Ukraine oo Shaaciyay in Gargaar usoo dirayaan Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here