Home Wararka Somaliya Jubbaland Madaxweyne KU Xigeenka Jubaland oo si aan Horay u dhicin ugu garnaqsaday...

Madaxweyne KU Xigeenka Jubaland oo si aan Horay u dhicin ugu garnaqsaday Farmaajo

0

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo shir jaraa’id qabtay kadib doorashadii lagu soo gabagabeeyey Ceelwaaq ayaa u gar naqsaday madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo isku heyb ay yihiin.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku eedeeyey Farmaajo inuu sameeyey qorshe kasta oo dadkiisa reer Gedo uu ku cuuryaami karo, balse hadda uu ka codsanayo in dhibaato iyo jid gooyo dambe uusan u dhigin dadkiisa tabaaleysan.

Wuxuu si qota dheer uga hadlay arrimaha ku xeeran doorashadii 16-ka kursi ee Ceelwaaq ay ku qabteen labadii maalmood ee lasoo dhaafay, wuxuuna carabka ku adkeeyey inuu jeclaan lahaa in doorashadaan ay ku qabtaan Garbahaarey, balse ay waayeen meel ay Farmaajo ka maraan.

Mudo labo sano ah waxaa Garbahaarey, Doolow, Luuq iyo Beledxaawo oo ah magaalooyinka ugu waaweyn gobolka Gedo maamulaya ciidan ka amar qaata Madaxweyne Farmaajo, waxayna Jubaland gobolkaas ka maamushaa degmada ay doorashada ku qabatay ee Ceelwaaq.

“Waxaan rabaa inaan la garnaqsado Madaxweynaha Soomaaliya walaalkey Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Madaxweynow ina adeerow, dadka reer Gedo xadgudubyada aad u geysatay ee sanadaha socday oo xeerarka iyo dastuurkii aad ku dhaaratay ka baxsan, naga jooji, waxaan nagu filan intaa noo geysatay,” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Wuxuu ku celceliyey in Garbahaarey ay mudneed in lagu qabto doorashadaan, balse ay xoog ku heystaan ciidamo ka amar qaata Farmaajo, “Walaalkeenow dhibaato intaa nasoo marsiidaa noogu filan, kadaa oo mid kale hanoo celin,” ayuu yiri.

Ad
Previous articleAlshabaab Damacsanaa inay Weeraro ka gaystaan Itoobiya oo Gacanta Lagu Dhigay
Next articleXildhibaanadii lagu Doortay Ceel-Waaq oo la siiyay Shahaadada Xildhibaanimo (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here