Home Wararka Somaliya Galmudug Qoor Qoor iyo ku Xigeenkiisa oo khilaaf Xoogan ka Dhex Qarxay Xili...

Qoor Qoor iyo ku Xigeenkiisa oo khilaaf Xoogan ka Dhex Qarxay Xili Galmudug Dagaal Ka Dhan ah Alshabaab Kasocdo

0

Khilaaf Xoogan ayaa Ka Dhex Qarxay Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor iyo ku Xigeenkiisa Cali Daahir Ciid kuwaas oo soo saaray Warqado muujinaaya Khilaafkooda Akhriso Warqadahaan ay soo kala Saareen;

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa shaqadi ka joojiyay Wasiirka Arimaha Gudaha Galmudug ka dib markii uu Xagal daaciyay Dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabaab.

Balse Wax yar kadib Waxaa Warqad jawaab u ah  deg deg usoo saaray Madaxweyne Qoor Qoor.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa buriyay waraaqda kasoo baxday Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ee shaqada looga joojiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Dowladda Galmudug mudane, Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel).

Tallaabadan ayaa gabi ahaanba kasoo horjeeda Dastuurka Galmudug, lidna ku ah awoodaha Dastuurku siinayo madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudug.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa cadeeyay in maamulka degmada Cabudwaaq aysan waxba iska badalin sida uu qabo sharciga dowladaha hoose ee Dowladda Galmudug

Madaxweynaha ayaa faraya hay’adaha amniga iyo garsoorka inay waajibkooda ka gutaan cidkasta oo wax u dhibta amniga iyo xasiloonida degmada Cabudwaaq.

 

Ad
Previous articleDawladda Soomaaliya oo beddeshay xeeladdii dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab(Xog)
Next articleAlshabaab oo Weerar Culus ku Qaaday Deegaanka Ceel lahelay oo Shalay laga Qabsaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here