Home Wararka Maanta Dowladda Soomaaliya oo lacag Malaayiin Doolar ah ku wareejisay dowladda...

Dowladda Soomaaliya oo lacag Malaayiin Doolar ah ku wareejisay dowladda Turkiga iyo Turkiga oo layaab ay ku Noqotay (Sawirro)

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ka qayb galay munaasabada Dowladda Turkiga loogu wareejiyay lacag dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga qayb qaadanayaan gurmadka walalaha Turkiga ee uu saameyay dhulgariiradii is xig xigay ee ka dhacay dalkaasi.

Munaasibad ka dhacday xarunta Tiyeetarka Qaranka oo ay soo agaasimeen guddiga gurmadka walaalaha Turkiga, ayaa Xukuumaddu ku wareejisay lacag dhan $4,818,477 dollar, una dhiganta ku dhawaad 100 milyan oo lacagta Turkiga ah ee Lira taasi oo laga soo uruuriyey shacabka Soomaaliyeed, 20-kii maalmood ee lasoo dhaafay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo guddigii gurmadka walaalaha Turkiga uga mahad celiyey garab istaaga qiimaha badan ee ay u sameeyeen walaalahooda Turkiga oo dhibaato wayn ka soo gaadhay musiibadii dhulgariiradii is xig-xigay.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa balan qaaday in Gobalka Banaadir ku dari doono inta ka dhiman shanta milyan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in tani ay adduunka tusayso in shacabka Soomaaliyeed markooda u gurman karaan cid kasta oo garab uga baahata xilliyada adag, Isagoo markale dowladda iyo walaalaha Turkiga uga tacsiyadeeyey dadkii tiradda badnaa ee ay ku waayeen musiibadii dhul gariiradii is xig-xigay ee ka dhacay dalkaas.

Ad
Previous articleWasiirkii Maaliyadda ee dowladii Farmaajo oo ka degay Magaalada Hargeysa iyo Falcelin Ka Dhalatay
Next articleAMIIR Xasan Warsame Cabdiraxmaan iyo Ciidamo uu Wato oo isku soo Dhiibay Ciidamada Galmudug(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here