Home Wararka Somaliya Somaliland Muuse Biixi oo ka hadlay qaraxyadii lagu Dhamaaday ee ka dhacay Zoobe

Muuse Biixi oo ka hadlay qaraxyadii lagu Dhamaaday ee ka dhacay Zoobe

0

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ka qayb-galay munaasibadda xuska sannad-guurada 29-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaskii ciidanka Booliska Somaliland.

Muuse Biixi ayaa ciidanka Booliska ugu hambalyeeyey horumarka ay ku tallaabsadeen 29-ka sanno ee jireen iyo kaalinta ay kaga jiraan sugida amaanka

“Dhammaan Ciidanka booliska madaxdiisa iyo qoysaskooda inaan uga mahadnaqo qaran ahaan hawlaha culus ee ay dalka u hayaan, waxaanan shacbiga Somaliland ka codsanayaa in dhammaan lala shaqeeyo ciidamada oo aad iyo aad loo ixtiraamo markay nabada ka shaqaynayaan aan cadow loo qaadan ee gacan la siiyo, waanan hambalyeynayaa Ilaahay sannadkaa sannadkiisa kheyr iyo badhaadhe haydinku gaadhsiiyo”.ayuu yiri Madaxweynaha.

Muuse Biixi ayaa dhinaca kale ka hadlay qaraxyadii lagu hoobtay ee dhowaan ka dhacay nawaaxiga isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

“Waxaynu u ducaynayanaa mashaqadii ka dhacday Muqdisho, dad shicib ah oo masaakiin ah, naxdin iyo aragagax ayay leedahay qof wal oo bini-aadam ahina wuu ka damqanayaa, innaga oo diin, Soomaalinimo, jaarnimo iyo ehelnimo wadaagnaana waynu ka damqanaynaa aad iyo aad baanannu uga xunnahay” ayuu yiri Muuse Biixi

Ad
Previous article22 Qof oo ku dhimatay Doon ku dagtay Dalka Giriiga
Next articleMaamulka G/Banaadir oo amar ka soo saaray deeqaha loo ururiyey dhaawaca isbitaalada jiifa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here