Home Wararka Caalamka Labo Qarax oo Is Xiga oo ka Dhacay Magaalada Stockholm ee Caasimada...

Labo Qarax oo Is Xiga oo ka Dhacay Magaalada Stockholm ee Caasimada Sweden

0

Labo qarax ayaa dhacay waqooyi-galbeed ee Stockholm, kii ugu horreeyay ayaa ka dhacay Uplands Bro, labo saac oo keliya kaddibna waxaa qarax labaad ka dhacay Uplands Väsby Qaraxyada ayaana Dhacay Shalay oo Axad Ah.

Booliiska ayaa helay digniintii ugu horreysay ee qarax xooggan oo dhacay 02.16 habeenimadii Axadda. Waxaa la ogaaday in qaraxa uu ka dhacay jaranjarada dhismo ay degan yihiin.

Digniintan ayaa ku soo beegantay qarax labaad oo dhacay 03:58, kaas oo sidoo kale lala beegsaday jaranjarooyinka dhismo la deggan yahay.

Lama soo sheegin wax khasaare ah oo bini’aadam ah oo ka dhashay labada qarax.

Sida uu sheegay goob jooge, waxaa markiiba goobta gaaray ciidamada booliska iyo kuwa gurmadka degdega ah, waxaana la xiray goob ballaaran, waxaana su’aalo weydiinayay dhowr qof oo shacab ah.

Ilaa hadda ma jirto cid loo soo qabtay labadaasi qarax, iyadoo boolisku labadaasi dhacdo ku tilmaamay kuwo burbur guud ah geestay

Ad
Previous articleDiyaarad Ruushka laga leeyahay oo lagu weeraray Garoonka diyaaradaha Muqdisho
Next articleXaaska Hogaamiyihii Daacishta Soomaaliya oo Xukun adag Maantay lagu Riday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here