Home Wararka Maanta Dowladda Bangladesh oo wada dedaalo lagusoo badbaadinaayo markabkii lagu afduubtay xeebaha...

Dowladda Bangladesh oo wada dedaalo lagusoo badbaadinaayo markabkii lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya

0

Sida ay daabaceen warbaahinta Bangladesha, waxaa walaacsan qoysaska shaqaalaha saaran markab lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya oo dowladooda ku cadaadinaaya in si degdeg ah loo soo badbaadiyo dadkeeda.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dekadaha Puntland oo BBC-da lahadlay ayaa sheegay in ay ka warqabaan in markabku kusoo wajahanyahay xeebaha Puntland qorshena ka leeyahiin.

“Annagu howlgal rasmi ah oo aanu kula wareegayno gaadiidka iyagana aanu ku xidhayno kuna marinayno shuruucda [ayaan leenahay]. Marka annaga istiraatijiyaddayaddu waxaa weeye in ayna xeebahayagu noqonin bahalo galeen lala yimaado gaadiidka badaha lagusoo afduubto ayaa naga go’an”

Shirkadda markabka iskaleh ayaa sheegtay in ay maanta dedaalo badan samaysay sidya kusoo badbaadin lahaayeen shaqaalaha markabka, iyagoo kaashanaya saaxiibadda caalamiga ah ee maraakiibtoodu badaha ka howlgalaan. waxay sheegeen in ilaa maanta xidhiidh toos ah ayna la yeelan shaqaalaha markabka.

Warbaahinta dalkaas ayaa sheegtay in qoyaysaska shaqaalaha markabka saaran ay talaadadii isa soo dhoobeen xafiiska shirkaddu ku leedahay gudaha magaalada Chittagong ee dalka Bangladesh.

Markabkii ugu danbeeyay ee laga leeyahay dalkaan Bangladesh ee lagu afduubto xebaha Soomaaliya waxuu ahaa sanadkii 2010 kii, kaas oo lacag culus oo madax furasho ah markii laga bixiyay lahaystayaasha lasii daayay 100 maalmood kadib.

Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Bangladesh Xasan Maxmuud oo saxaafadda lahadlay ayaa sheegay in ay isku dayayaan in ay la xidhiidhaan budhcadda, iyaga oo adeegsanaya gacan labaad.

Wuxuu sidoo kale sheegay in hay’addaha sirdoonka dalka arrinta aad uga shaqaynayaan isagoo xusay in Ra’iisul Waaraha dalku aad uga walaacsanyahay dhacdada.

Wasiirka arrimaha Dibadda ee dalkaas ayaa sidoo kale warbaahinta u sheegay in ay la xidhiidheen dowlado dhowr ah si ay u badbaadiyaan markabka iyo shaqaalaha saaranba.

Markabkaan la afduubtay ayaa la sameeyay sanadkii 2016-kii waxaana markiisii koobaad loo bixiyay ‘Golden Hawk’ kadib markuu ku biiray maraakiibta shirkadda SR Shipping, sanadkii teggay ayaana loo bixiyay magaca ‘MV Abdullah’.

Markabkan hadda la afduubtay, ayaa waxaa saaraa sida la sheegay dhuxul waxaana markabka lagu magacaabaa MV Abdullah.

Warbaahinta Bangladesh ayaana sheegtay in ay saaraayeen 23 qof oo dhammaantood u dhashay dalka Bangladesh.

Afduubka markabkaan ayaana imaanaya xilli maraakiibta maraysa Gacanka Cadan ay sidoo kale weeraro joogto ah kala kulmaya weerar joogto ah Xuutiyiinta Yemen.

Arrintaan ayaa waxay sii shidaalinaysaa cabsida laga qabo dib-u-dhalashada budhcad badeeda ee badweynta Hindiya.

Budhcad badeeda ayaa xeebaha Soomaaliya Khalkhal ku galiyay maraakiibtii maraysay horaantii 2008-da iyadoon, balse howlgalo balaadhan oo ay siwadajir ah u sameeyeen dowladaha reer galbeedka ayaa hoos u dhigay weeraran iyadoo 2014-kii lagu guuleystay in budhcad badeeda howlgaladooda iyo dhaqdhaqaaqooda la joojiyo, kadib maraakiib badan oo ay afduubteen malaayiin lacag ahna ka qaadeen.

Bishii December labo dhacdo ayaa lagasoo wariyay xeebaha Soomaaliya. Mid waxuu la xidhiidhay markab ganacsi oo ay ku weerareen meel u dhow magaalada xeebta magaalada Eyl ee gobolka Bari. Midka kalena waxuu ahaa markab sitay calanka dalka Malta kaas oo isna la afduubtay una dhaqaaqay ugu danbayn xeebta Soomaaliya.

Biyaha Soomaaliya ayaa lagu arkay sare u kac budhcad badeedda sanadkii 2011-kii Hay’adda Qaramada Midoobay ayaana sheegtay in 160 weerar oo maraakiibta lagu qaaday la diiwaangeliyay. Weerada ayaase hoos u dhacay kadib markii howlgalo ciidamada Maraykanka iyo kuwa xulafadiisa ah ay yimaadeen biyaha Soomaaliya.

Ad
Previous articleMaxay Soomaaliya uga dhigan tahay guusha weyn ee ay mar kale ka gaartay deyn-cafinta?
Next articleDagaal culus oo Tan iyo Xalay kasocsa Magaalada Baladweyne Yuu U Dhaxeeyaaa?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here