Home Wararka Maanta Museveni oo sheegay in 800 oo Shabaab ah ay Cagta Mariyeen Xeradoodii...

Museveni oo sheegay in 800 oo Shabaab ah ay Cagta Mariyeen Xeradoodii Buulo-Mareer Sheegayna In Askartoodii argagax Ku dhacay

0

Madaxweynaha dowladda Uganda, Yoweri Museveni ayaa markii ugu horreysay weerarkii xooganaa ee Jimcihii lasoo dhaafay kooxda Al-Shabaab ku qaaday xero ay ciidamada dalkaas ee qaybta ka ah ATMIS ay ku leeyihiin magaalada Buulo-Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo khasaare culus lagu gaasiiyay.

Yoweri Museveni ayaa sheegay in weerarkaasi ay soo qaadeen illaa 800 oo xubnood, isaga oo qiray inay cagta mariyeen saldhigga ciidanka Uganda ee magaalada Buulo-Mareer.

Ma shaacin khasaaraha rasmiga ee ciidamadiisa kasoo gaaray weerarkan oo qaraxyo ku billowday, kadibna uu xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac.

Madaxweynaha Uganda ayaa soo hadal qaaday, sida lagu jebiyay ciidamadiisa, wuxuuna sheegay in ay argagaxeen, taasina ay ka faa’iideysteen xubnaha Al-Shabaab.

“Qaar kamid ah askartii halkaas sugneyd ayaan soo bandhigin waxqabadkii laga filayay, argagax ayeyna ku dhaceen, taas oo keentay inay is habeeyaan, Al-Shabaab-na ay ka faa’iideysteen,” ayuu qoraalkiisa ku yiri madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni.

Sidoo kale wuxuu intaas raaciyay “Howlgalada Soomaaliya iyo masraxada kale, waa howlgallo dagaal ee maaha howlo samafal oo aad ka heli karto gunnooyinka QM”.

Wararkii ugu dambeeyay ee la helayo ayaa sheegaya in tirada rasmiga ah ee laga dilay ciidanka Uganda ay u dhexeyso 50 illaa 100, sida lagu soo xigtay ilo wareedyo xilkas ah.

Hase’ahaatee kooxda Al-Shabaab ayaa iyadu shaaca ka qaaday inay weerarkan ku dishay in ka badan illaa 137 askari oo ka tirsan howl-gaka Midowga Afrika ee ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda oo ku sugnaa iyagu saldhiga ay weerarka ku qaadeen dagaal-yahaanada kooxda. Sheegashada kooxda si madax-banaan looma xaqiijin karo.

Si kastaba, Uganda ayaa haatan guddi saraakiil ah oo baara weerarka usoo dirtay Somalia, si ay wax oga ogaadaan qaabka uu u dhacay weerarka iyo khasaaraha rasmiga ahba.
Ad
Previous articleSoomaaliland oo Go,aan ay Ku Farxeen kasoo Saartau Ardaydii uu Saameeyey Dagaalkii Laasacaanood
Next articleCumar Cabdirashiid”Golaha Wadatashiga Qaran ma waxa uu isku beddelay taliskii Millateriga ee hore”Oo Ka Horyimid Heshiikii Goloha Wadatashi Qaran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here