Home Wararka Somaliya Ciidanka Galmudug iyo kuwa Dowlada oo Howlgalo ka bilaabay Deegaano Mudug ka...

Ciidanka Galmudug iyo kuwa Dowlada oo Howlgalo ka bilaabay Deegaano Mudug ka tirsan

0

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay wehlinayaan kuwa Daraawiishta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa howlgallo ka bilaabay Koonfurta gobolka Mudug oo dhawaan dagaalo ay ka dhaceen.

Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ay howlgallada ka wadaan duleedka deegaanada Dhaghaye iyo Hareeri dheere halkaas oo Ciidanku ku lahaayeen Saldhigyo.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen in ujeedkooda uu yahay sidii ay amniga degaannada Koonfurta Gobolka Mudug u xaqiijin lahaayeen halkaas oo dhaq dhaqaaqyo ay ka wadaan Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiisha waxaa ay sheegeen in qorshahooda uu yahay sidii degaannada Koonfurta Gobolka Mudug ay uga saari lahaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab oo dhowr jeer weeraro ka geystay.

Howlgalkan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay wehlinayaan kuwa Daraawiishta Dowlad Goboleedka Galmudug ka bilaabeen Koonfurta Gobolka Mudug ayaa kusoo aadaya xilli todobaadyadii la soo dhaafay ay halkaasi ka dhacayeen dagaalo u dhaxeeyay Ciidanka dowladda & kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Ad
Previous articleMuuse Suudi oo mar kale weerar afka ku qaaday Madaxweyne Farmaajo
Next articleWar Hada Ah: Gobola Mudug oo Qarax Ismiidaamin ahaa ka dhacay goor dhow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here