Home Wararka Maanta Askar fal argagax lahaa ka geestay Muqdisho oo la xiray lagana ruqseeyay...

Askar fal argagax lahaa ka geestay Muqdisho oo la xiray lagana ruqseeyay shaqada

0

Ciidanka booliiska Soomaaliya ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa xabsiga dhigay askari katirsanaa ciidanka dowladda, kaa oo shalay nin shacab ah ku dhibaateeyay isgooska Soobe ee Muqdisho.

Muuqaal la duubay ayaa laga arkayay askarigan oo nin shacab ah xabbad ku ridaya sidoo kale dhibaateenaya, kaddib markii ninka shacabka ah ka diiday askariga in uu ka iibiyo sigaar uu halkaasi ku gadayay.

Booliiska ayaana howlgal gaar ah ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho kusoo qabtay askarigan sida xun ula dhaqmay ninka shacabka ah, waxa ayna booliiska sheegeen in ninkan la horgeyn doono sharciga.

Dhinaca kale taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa go’aamiyay in askarigan suurad xumeeyay ciidanka booliiska laga ruqseeyo shaqadii qaranka iyo booliiska u hayay, waxa uuna amray taliyaha in askarigan caddaalada la horgeeyo.

Ciidanka dowladda ayaa mararka qaar dhibaatooyin ugu geesta dadka shacabka dareeska ay xiran yihiin iyo hubkii loogu tala galay in shacabka ku ilaaliyaan, waxaana inta badan yar in wax laga qabto dhibaatada askarta u geesato dadka shacabka ah.

Ad
Previous articleMaxbuus uu dhalay Masuul katirsan Dowladda Ruushka oo baxsaday Xilli Mareykanka loo
Next articleWadahadal u bilowday Dowlada Somalia iyo madaxda Maamulka shirkadda Tiktok

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here