Home Wararka Somaliya Somaliland Somaliland oo mar kale war cusub kasoo saartay heshiiska badda ee ay...

Somaliland oo mar kale war cusub kasoo saartay heshiiska badda ee ay la gashay dowladda Itoobiya

0

Xukuumadda Somaliland ayaa mar kale war cusub kasoo saartay heshiiska badda ee ay la gashay dowladda Itoobiya, kaas oo dhaliyay xiisad xoogan oo u dhexeysa labada dal ee dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Ciise Kayd Maxamuud oo haatan ku sugan Addis Ababa ayaa ku dhowaaqay go’aan uga sii daraya xiisadda Badda ee haatan taagan.

Kayd ayaa tilmaamay inay Somaliland si buuxda u hirgelineyo heshiiska ay la gashay Itoobiya, kaas oo ay weli diidan tahay dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in heshiiska Somaliland iyo Itoobiya uu yahay mid barwaaqo u horseedi doona labada dhinac, isla markaana uu waafaqsan yahay xeerarka caalamiga ah.

“Wafti ahaan waxaanu sharaxaad ka bixinay arragtidayada ku aadan is-fahamka ay Somaliland iyo Itoobiya wadagaleen, kaasi oo aan kali ah waafaqsanayn shuruucda caalamiga ah, lakiin ah mid is badal togan u horseedaya Somaliland iyo Itoobiya, marka ay noqoto dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo amaanka” ayuu yidhi Wasiir Ciise Kayd.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii dartay in guddi aqoonyahno oo ka kooban siddeed xubnood ay u xilsaareen arrintan, ayna ka go’an tahay dhaqan-gelinta heshiiska badda.

Somaliland ayaa haatan wada qorshe ay ku dooneyso in is afgaradka ay la gaartay Itoobiya ay ugu beddeleyso heshiis dhab ah, qorshahaas oo uu hoggaaminayo madaxweyne Biixi.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda weli diidan heshiiskan oo ay ku tilmaamtay inuu xadgudub ku yahay madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, kaas dhaliyay caro xoogan xiisad diblumaasiyadeed ee u dhexeysa Addis Ababa iyo Muqdisho.

Si kastaba, arrintan ayaa sababtay inuu xumaado xiriirka labada dal, kadib tallaabooyinkii uu qaaday Abiy Axmed oo sidoo kale carqaladeeyay madaxweyne Xasan oo todobaadkii hore dalka Itoobiya u tegay ka qayb-galka shir madaxeedka Ururka Midowga Afrika.
Ad
Previous articleXog: Muxuu Maantay Madaxweyne Xasan Shiikh Baarlamaanka ka hor Sheegi Doonaa?
Next articleMaraykanka oo Markale diiday xabbad-joojinta QAZA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here