Home Wararka Maanta NEWS Dowladda Jabuuti Oo Dhakhaatiir Iyo Dawo Soo Gaarsiisay Magaalada Muqdisho

NEWS Dowladda Jabuuti Oo Dhakhaatiir Iyo Dawo Soo Gaarsiisay Magaalada Muqdisho

0

Dowladda Jabuuti ayaa dhakhaatiir iyo deeq daawo ah soo gaarsiisay magaalada Muqdisho, iyagoo ugu talagalay girmadka dhibanayaasha qaraxyadii 29kii October ka dhacay Isgoyska Zoobe.

Wafdigan ka socda Jabuuti waxaa hoggaaminaya wasiirka waxbarashada Jabuuti ahna siihayaha xilka wasiirka Caafimaafka Mustaf Maxamed Maxamuud, waxaana garoonka kusoo dhaweeyay xubno kamid ah guddiga gurmadka qaran ee xukuumadda.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa ku amaanay dowladda Jabuuti garab istaaga ay u muujisay shacabka Soomaaliyeed, isagoo dalalka kale ee taageera Soomaaliya ka codsaday iney kaalin ka qaataan gurmadka loo sameynayo dadka waxyeelada ka soo gaartay qaraxyadii is xig xigay ee Zoobe.

Inkabadan 120 qof ayaa ku geeriyootay qaraxyadii Zoobe, halka kudhowaad 400 kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana jira daf ka badan 10 ruux oo nolol iyo geeri toona lagu waayay, kuwaasoo xiliga qaraxa ku sugnaaa aagga isgoyska Zoobe.

Ad
Previous articleXukun dil ah oo saakay lagu fuliyay Labo nin oo magaalada Muqdisho dilal ka geestay
Next articleCiidamada Macawislayda Hiiraan oo Alshabaab is aruursanaayay weerar Culus ku Qaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here