Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo ka Xumaatay Warkii Dhawaan kasoo Yeeray Safiirka Soomaaliya U...

Dowlada Soomaaliya oo ka Xumaatay Warkii Dhawaan kasoo Yeeray Safiirka Soomaaliya U Fadhiya Itoobiya

0

Sida ay xaqiijinayaan Ilo diblumaasiyaded, Xukuumadda Faderaalka ayaa ku cadaadinaysa safiirka Itoobiya u jooga Soomaaliya Mukhtaar Max’ed Ware in uu raaligalin ka bixiyo wareysigii uu siiyey warbaahinta dalkiisa, kaas oo ay dawladda Faderaalka ku baraarugtay markii ay Turjuntay Gaylan Media, wey adag tahay in Wareysi kale uu dhiibo Safiirkan oo uu raaligalin bixiyo.

Xukuumadda Faderaalka ayaa ku dhici la’a ilaa hadda qaadashada go’aan ka dhan ah Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya, waxaana galinkii hore ee maanta laysku dayay in warqad la qoro, hayeeshee aysan madaxda sare isku raacin oo ay ku kala aragti duwan yihiin.

Amb, Ware ayaa wareysiga uu baxshay ugu gefay Madax banaanida Soomaaliya, laakiin Safiirka ayaa ku fadeexoobay wareysiga oo warbaahinta Itoobiya laga saaray goor dambe, waxaana uu isku dayay in uu inkiro hadaladii uu wareysiga ku sheegay.

Ad
Previous articleDhacdo Argagax leh oo Ka Dhacday Magaalada Muqdisho
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Culus oo Dhexmaray Beelaha Abgaal iyo Xawaadle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here