Home Wararka Somaliya Puntland Waa Sidee Xaalada Magaalada Garowe Caawa iyo Wararkii Ugu Dambeeyey ee Magaladaas

Waa Sidee Xaalada Magaalada Garowe Caawa iyo Wararkii Ugu Dambeeyey ee Magaladaas

0

#UPDATE Inkasta oo saacadihii lasoo dhaafay ay Garoowe ka dhaceen, dagaalo khasaare geystay, dhimashadana la xaqiijiyey 25 qof oo askar u badan, haddana Ciidamo badan ayay dawladdu soo galisay magaalada Garoowe.

In ka badan 15 baabuurta dagaalka ah ayaa katimi dhinaca Gobalka Barri, kuwaas oo qaarkood Garoowe ay soo gaareen, sidaas oo kale dadaal ay garwadeen ka yihiin Isimida gobalka Nugaal ayaa socda.

Koonfurta Galbeed ee magaalada ayay ilaa galabta rasaas kasocotaa, aagaas oo ay isku horfadhiyaan labo ciidan.

Isimadda ayaa doonaya in dagaal dambe uusan dhicin, iyagoo 60-kii cisho ee lasoo dhaafay, ku guuldareystay in ay xabada dhacday baajiyaan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ay Isimadu dalbanayaan in 3 baabuur dagaal iyo maxaabiis ay dagaalka kuqabteen ciidamada dawladda, ayaga lagu soo wareejiyo.

Ad
Previous articleWararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Garowe iyo Taliyihii Madaxtooyada Puntland oo ku Dhintay Dagaalkaas
Next articleDagaalo Qaraar oo Markale Saqdhexe Dib uga Qarxay Magaalada Garowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here