Home Wararka Somaliya Madaxweyne Deni oo Kulamo Xasaasi ah la qaatay Madaxweynayaashi Hore ee Puntland...

Madaxweyne Deni oo Kulamo Xasaasi ah la qaatay Madaxweynayaashi Hore ee Puntland Xili Xaalka Bosaaso Ku Xunyahay

0

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay magaalada Garawe kulan xasaasi ah kula qaatay Madaxweynayashii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdiweli Gaas uu wehliyo Ra’isul Wasaare Hore Cumar Cabdirashiid.

Sida aan wararka ku helnay kulankan ayaa intii uu socday looga wada hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo xiisadii ka taagneed magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Madaxweyne Deni iyo masuuliyiinta kulanka yeeshay ayaa kawada hadlay sida ay ka yeelayaan go’aanadii dhawaan soo saareen Isimadda Puntland si xal looga gaaro dagaalkii ka dhacay magaalada Boosaaso.

Kulankan dhax maray Madaxweynaha Puntland iyo madaxdii hore ee maamulkaasi ayaan faah faahin badan laga bixin, waxa ayna dhinacyadu isku raaceen sida aan wararku ku helnay in laga shaqeeyo sidii xal nabadeed loogu dhameyn lahaa xiisada Boosaaso.

Madaxtooyada Puntland ayaan wali wax jawaab ah kasoo saarin go’aankii ugu dambeeyay ee soo saareen Isimadda Puntland, kuwaa oo u arkay xalka kaliya ee looga gudbi karo xiisada taagan in ay tahay qodobada ay soo saareen.

Ad
Previous articleDowlada Kenya oo Xusaysa Weerar Alshabaab Nairobi ka Gaysteen Xili Ciidamada Keenya Heegan lagaliyay
Next articleFaadumo Cusmaan Oo Meherkeeda loo Balansanaa oo Saacd iyo Bar Kahor Meherkeeda Geeriyootay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here