Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Shirka Beri ka Furmaaya Muqdisho iyo Villa Soomaaliya oo...

Wararkii ugu Danbeeyey Shirka Beri ka Furmaaya Muqdisho iyo Villa Soomaaliya oo War kasoo saartay

0

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in maalinta berri ah uu si rasmi u furmi doono shirka wadatashiga qaran.

Shirkaan ayaa waxaa casuumaadiisa lahaa madaxweyne Xasan Sheekh oo siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxdii hore ee dalka ugu yeeray, ayada oo madaxweynaha uu kala xaajoon doono tabashada ay ka qabaan hoggaaminta dalka iyo nidaamka ay uu doonayo in la qaato ee dhawaan ku soo baxay heshiiskii golaha wadatashiga qaran.

“Waxaa noo dhamaaday maanta soo dhaweynta madaxdii hore ee qaranka, inta badan madaxa wey yimaadeen intii soo ajiibtay inay yimaadan. Berri oo 12-ka bisha ah ayuu shirka noo bilaaban doonaa,” ayuu yiri.

Shirkaasi oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa waxaa madaxdii hore ee lagu casuumay ay kala yihiin madaxweynayaashii hore, ra’iisul wasaareyaashii horr iyo guddoomiyeyaashii hore ee baarlamanka federaalka Soomaaliya.

“Shirka uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu ugu yeeray madaxdii hore ujeedkiisu waa in uu la tashi kala sameeyo oo taladooda ka dhiibtaan arrimaha masiiriga ah ee dalka ka socda, gaar ahaan arrimaha dib u xoreynta dalka, dhameystirka dib u eegista dalka Dastuurka iyo guud ahaan siyaasadda dalka iyo qorshayaasha mustaqbalka soo socda ee dalku leeyahay.”

Inta uu socdo shirka ayaa waxaa la iska xog wareysan doonaa xaaladda dalka, iyadoo madaxda talada dalka haysa ay dhegeysan doonaan talada madaxdii hore ee ku aaddan arrimaha masiiriga ah ee qaranka.

Shirkan ayaa waxaa uu qeyb ka yahay barnaamijka dowladda ee talo wadaagga iyo wadar oggolka gaarista go’aamada masiiriga ah ee Soomaaliya.

Wufuudda ka qeyb-galeysa shirkan ayaa qaar kamid ah ay durba soo gaareen magaalada Muqdisho, halka madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka cudur daartay ka qeyb-galka shirka berri ka furmaya Villa Somalia, oo uu ku casuumay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Farmaajo ayaa soo dhaweeyay qabsoomida shirka, hase yeeshe waa ka cudur daartay ka qeyb-galkiisa, sida uu BBC u xaqiijiyay afhayeen u hadlay madaxweyne Farmaajo oo lagu magacaabo Cabdirashiid Maxamed Xaashi Duqa.

Afhayeen Cabdirashiid ayaa waxa uu sheegay in sababta madaxweynihii hore ee Farmaajo uu shirkaan uga cudur daartay ay tahay maadaama uu leeyahay ballamo iyo kulamo hore loo sii qorsheeyey.

Si dhab ah uma cadda sababta rasmiga ah ee madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu uga baaqsaday shirka uu ku casuumay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, marka laga imaado in ballamo iyo kulamo hore loo sii qorsheeyay uu leeyahay.

Si kastaba, shirkaan ayaa berri si rasmi ah uga furmi doona magaalada Muqdisho, kaasi oo uu shir-guddoomin doono madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana gaba-gabada laga soo saari doono war-murtiyeed mideysan.

Ad
Previous articleStanislav Rzhitsky oo toogasho lagu dilay iyo dowlada Ruushka oo ka carootay
Next articleMucaaradka Beri La Shiraaya Madaxweyne Xadan Shiikh oo Caawa Shir Ugu Socdo Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here