Home Wararka Maanta Beesha Caalamka oo War layaab leh kasoo Saartay Wax ka Badalkii lagu...

Beesha Caalamka oo War layaab leh kasoo Saartay Wax ka Badalkii lagu Sameeyey Dastuurka Soomaaliya

0

Beesha Caalamka ayaa soo saartay qoraal ay ku soo dhowaysay dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku bixinayso dhamaystirka waxyaabaha muhiimka u ah dowlad wanaagga, sida qabya tirka Dastuurka.

War qoraal ah oo ka soo baxay beesha caalamka ayaa lagu yiri, “Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya waxay bogaadinayaan dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Federaalka ah ee lagu xaqiijinayo u hogaansanaanta Soomaaliya ee waajibaadka caalamiga ah iyo kuwa heer gobol ee khuseeya xuquuqul insaanka, oo ay ku jiraan xuquuqda carruurta.”

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray “Waxaan rajeyneynaa iskaashi [sii socda] mustaqbalka oo aan la yeelano Soomaaliya oo iyadu xoojineysa doorka ay ku leedahay fagaarayaasha caalamiga ah.”

Sidoo kale beesha caalamka ayaa farriin u dirtay saamileyda siyaasadda dalka, kuwaas oo loogu baaqay inay u hoggaansamaan hanaan wadar-ogol ah oo ku saabsan arrimaha masiiriga ah.

“Waxaan sidoo kale qireynaa ku talagalka adag ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ku talagashay in horumar ay ka sameyso dhameystirka Dastuurka, waxaana ku boorineynaa dhammaan saamileyda inay sii laba jibbaaraan dedaalladooda ku aaddan dhisiddawadar-oggol loo marayo geeddi-socod loo dhanyahay,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka.

Wax weyn ayey dowladda federaalka uga dhigan tahay taageerada beesha caalamka ee qorshaha dhameystirka dastuurka oo wajahaya mucaaradad weyn oo maxali ah.

Madaxweynayaashii hore ee dalka iyo dowlad goboleedka Puntland ayaa si adag uga hor yimid ansixinta afarta cutub ee ugu horeysa dastuurka oo hadda beesha caalamka ay aad u soo dhaweysay.

Mucaaradka dowladda waxaa dhabarjab weyn ku ah go’aanka beesha caalamka oo taageertay qorshaha dowladda federaalka, halkii ay doonayeen in beesha caalamka ay u kala dab-qaado iyaga iyo dowladda federaalka.

Ad
Previous articleQaramada Midoobay oo La Safatay Puntland Balnqaadna usamaysay
Next articleNISA oo Gacanta Ku Dhigtay Alshabaab Qaraxyo Watay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here