Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey khasaaraha Ka Dhashay Qarixii ismiidaaminta ahaa ee Xalay ka...

Wararkii ugu Danbeeyey khasaaraha Ka Dhashay Qarixii ismiidaaminta ahaa ee Xalay ka Dhacay Muqdisho

0

Qoraal ka soo baxay booliska Soomaaliya ayaa si hordhac ah loogu faahfaahiyey khasaaraha ka dhashay qaraxii caawa fiidkii ka dhacay maqaayadda Blue Sky oo ku taalla aagga taalada Xaawataako ee degmada Boondheere, halkaas oo nin naftiisa haligay uu isku qarxiyey.

Booliska ayaa xaqiijiyey in qaraxaas uu ku dhintay Agaasimihii TV-ga Somali Cable, afar qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, sidoo kale qoraalka booliska waxaa lagu sheegay in weli ay baaritaano socdaan.

“Caawa 16/Oct/2023, abaare 21:00 PM fiidnimo, ayaa naftii-halige Khawaarijta ka tirsanaa isku qarxiyay dad ku shaah cabeyay banaanka hore ee Maqaayada Blue Sky oo ku taala Degmada Boondheere gaar ahaan agagaarka taalada Xaawo-taako ee Magaalada Muqdisho.”

“Khasaaraha qaraxu reebay ayaa ah dhaawaca 4 qofood iyo dhimashada Saxafi Cabdifitax Macalin Nuur (Qeys) agaasimihii Somali Cable Tv faraciisa Muqdisho, Ciidamada Amaanka ayaa gurmad u fidiyay dadka ay meesha wax ku gaareen. Waxaa socota baaris, wixii ku soo kordha dib ayaan ummadda ula wadaagi doonaa,” ayaa lagu yiri qoraalkaan oo ka soo baxay taliska booliska.

Allaha u naxariistee waxaa caawa dadkii lagu dilay qaraxa Muqdisho ka dhacay ka mid noqday Agaasimihii TV-ga Somali Cable Cabdifitaax Macalin Nuur (Qeys), marxuumka ayaa ka mid ahaa weriyaasha muhiimka ah ee muddo ka howlgelayey magaalada Muqdisho, sidoo kale dadka dhintay waxaa ka mid ah wiil ka shaqeynayey maqaayadda oo magaciisa lagu soo koobay Cabdixakiin Yare.

Nin naftiisa haligay oo soo xirtay waxyaabaha qarxa ayaa isku miidaamiyey dadkii ku sugnaa maqaayadda, khasaaraha ayaa u badnaa dhaawacyo, maadaama la fahmay ninka inta uusan qarxin.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Qarax ismiidaamin ah oo Ka dhacay Magaalada Muqdisho
Next articleDowlada Soomaaliya oo Garab itaag u muujisay Falastiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here