Home Wararka Maanta Farmaajo oo ka Horyimid Go,aan u Watay Madaxweyne Xasan Shiikh Taageerayna Puntland

Farmaajo oo ka Horyimid Go,aan u Watay Madaxweyne Xasan Shiikh Taageerayna Puntland

0

Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Farmaajo oo Goordhoow Soo Saaray Qoraal ayaa Si wayn ugu Horyimid Qorshaha Muda korarsiga Maamul goboleedyada iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya Taas oo Madaxweyne Xasan Shiikh gadaal ka Riixaayo.

Mudo korarsigaan ayaana ka Dhaqan Galay Maamulka konfurgalbeed oo la rabay in laqabto Bisha Soosocota Doorashada Madaxweynaha Koonfurgalbeed Taas oo Aysan muuqab Saansaan Doorasho.

Qoraalka ayaana U Qornaa Sidaab:

Waxaan si dhow ula soconnaa dhaqdhaqaaqyada ku aaddan wax ka beddelka qaabka dowladnimada, hanaanka baarlamaaniga ah, habka doorashooyinka qof iyo codka ah iyo hannaanka xisbiyada badan. Wax ka bedelka qodobadaas oo aan loo marin wadada saxda ah waxay keeni karaan in dalku uu dib ugu noqdo xasilooni darro iyo hubanti la’aan.

Sidaas darteed in laga guuro hannaanka Baarlamaaniga ah ee ka jira dalkeenna, lana laalo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waa masuuliyad ka baxsan awoodaha Hay’adaha Dawladda, maadaama ay taabanayso masiirka dalka.

Baarlamaanka Federalka Soomaaliya waxaa waajib qaran iyo mid taariikhi ah ka saaran yahay in ay ka digtoonaadaan ansixinta qodobbada taabanaya jiritaanka dowladnimada ee aan loo marin hannaanka saxda ah, kuwaas oo abuuri kara kalsooni darro bulsho iyo jahwareer siyaasadeed.

Waxaan garowsannahay ahmiyadda ay leedahay in la maqlo codka Dowlad Goboleedka Puntland oo ka maqan Madasha Wadatashiga Qaran si loo xaqiijiyo matalaaddooda ku aaddan arimaha masiiriga ah, taas oo aan looga maarmayn dawlad dhiska Soomaaliya.

Shacabka Soomaaliyeed xaq ayey u leeyihiin in ay hoggaankooda ku soo doortaan codkooda, si xor iyo xalaal ah oo daahfuran, waafaqsanna xeerarka iyo shuruucda dalka.

Wa billaahi Al-towfiiq

Ad
Previous articleArrimaha madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeyn jiray Farmaajo ee hadda isaga lagu haysto
Next articleSoomaaliland oo War kasoo Saartay Aqoonsiga SSC Khaatumo ka heshay Dowlada Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here