Home Wararka Maanta Taliyaha Danab ee Puntland oo kahor yimid rabitaanka Madaxweyne Deni iyo Xiisad...

Taliyaha Danab ee Puntland oo kahor yimid rabitaanka Madaxweyne Deni iyo Xiisad ka taagan Garawe

0

Wararka ka imaanaya magaalada Garawe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay diiwaan-gelinta doorashada qof iyo cod ee lagu wado in  ay ka bilaabato gobolka Nugaal.

Taliyaha Ciidamada Komandooska Puntland Generaal Jimcaale Jaamac Takar iyo saraakiil la socota ayaa si adag uga horyimid in diiwaan-gelin doorasho laga sameeyo gobolka Nugaal gaar ahaan magaalada Garawe.

Gen. Jimcaale Takar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan Garoowe ka dhici doonin diwaan-galin doorasho oo laysku khilaafsan yahay, waxa uuna cadeeyay masuuliyada wixii ka dhasha arrintan ay qaadi doonto cidii ku dhaqaaqda.

Waxa uu sheegay jeneraalka in dalku waajib ka saaran yahay ayna u dhaarteen  ilaalinta dastuurka iyo sharafta dadweynaha, waxa uuna xusay in aysan cidna uga ganbaneen ku xadgudubka dastuurka iyo rabitaanka dadweynaha.

Magaalada Garawe ayaana laga soo sheegayaa in ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay hadalka kasoo yeeray jeneraal Takar iyo saraakiisha la socota, ciidamo ka ammar qaata Madaxweyne Deni ayaana dhaqdhaaqyo kawada Garawe.

Jeneraalkan kahor yimid diiwaan-gelinta uu rabo Madaxweyne Deni in laga sameeyo gobolka Nugaal ayaa xukuma ciidamo xoogan oo degan duleedka Garoowe, ciidankan oo ah kuwa kumaandoos ah oo lagu magacaabaa Danab.

Ad
Previous articleWararkii ugu danbeeyey Shiinaha oo si kulul uga hadlay buufinkii laga shakiyay ee Mareykanka qarxiyeen
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Xiisadii Ka Taagbayd Magaalada Hobyo oo Heshiis Hordhac ah Laga Gaaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here