Home Wararka Maanta Kenya oo Markale War Cusub kasoo Saartay Xiliga La Bilabaayo khaadka Loo...

Kenya oo Markale War Cusub kasoo Saartay Xiliga La Bilabaayo khaadka Loo Dhoofiyo Soomaaliya

0

Dowladda Kenya ayaa soo saartay war cusub oo la xiriira heshiiska qaadka loo iib-keenaayo Soomaaliya ayada oo sheegtay in madaxweynayaasha labada dal ay xiriireen heshiisna ka gaareen arrintan

Wasiirka Beeraha Kenya, Peter Munya ayaa sheegay in heshiiskan lagu waday in toddobaadkan lagu saxiixo Nairobi balse uu dib u dhac ku yimid, wuxuuna ganacsatada ugu niyad qaboojiyey in dhowaan la saxiixi doono.

Peter Munya ayaa sheegay in dib u dhaca uu sababay safarkii madaxweynaha Soomaaliya ku tegay dalka Turkiga, kaas oo shalay kasoo laabtay, wuxuuna hoosta ka xariiqay in heshiiska dhawaan la saxiixi doono.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay madaxweynayaasha labada dal ay xiriir sameeyeen, isla-markaana ay ka wada-hadleen in hore loo sii wado wada-hadallada labada dhinac.

“Waxaan rabaa inaan u caddeeyo beeraleyda Miira inaysan niyad jebin, heshiiska ganacsiga lama saxiixin Talaadadii sida ballantu ahayd, sababtoo ah madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku sugnaa dalka Turkiga, labada madaxweyne waxay ku talo jiraan inay dhawaan kulmaan si ay heshiiska u saxiixaan,” ayuu yiri Mr Munya.

Villa Somalia oo aan la xiriirnay way ka gaabsatay inay xaqiijiso heshiiskan.

Bishii June ayey aheyd markii wasiirka beeraha Kenya uu shaaca ka qaaday in wada-hadallada u dhexeeya labada dal ay galeen qeybtii ugu dambeysay si heshiis looga gaaro in xayiraad ay Soomaaliya ka qaado qaadkii Kenya.

 

 

 

Ad
Previous articleRa’isul Wasaarihii Hore ee Japaan oo si la yaab leh Lagu Toogtay
Next articleQaabka uu u dhacay weerarka lagu dilay Shinzo Abe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here