Home Wararka Maanta Yaa loo Doortay Guddoomiyaha Guddiga doorashada ee Guddoonka Gollaha Shacabka ?...

Yaa loo Doortay Guddoomiyaha Guddiga doorashada ee Guddoonka Gollaha Shacabka ? (Sawirro)

0

Xubnaha loo xil saaray qaban qaabada doorashada guddoonka gollaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka ayaa maanta iska dhax doortay guddoomiye iyo Xoghaye  hoggaamin doona inta ay qaban qaabada doorashada wadaan.

Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa loo doortay guddoomiyaha guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka gollaha shacabka halka xoghayaha guddigaasi isna loo doortay Maxamed Abuukar Cabdi .

Goobta ay ka dhaceysay doorashada goddoomiyaha guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka gollaha shacabka iyo xoghayaha waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha KMG ee gollaha shacabka iyo xoghayaha guud ee gollaha shacabka.

Xubnaha qaban qaabada doorashada guddoonka gollaha shacabka ayaa la filayaa in ay kulamo gaar gaar ah yeeshaan ayna soo saaraan habraacyo iyo shuruudo loo marayo doorashada guddoonka gollaha shacabka.

Ad
Previous articleRuushka oo farriin adag u Diray Ciidamada Ukraine ee ka dagaalamaya Mariupol
Next articleAxme Madoobe oo la Kulmay Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Xili Ceel ay kusii Wajahanyihiin(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here