Home Wararka Maanta Xukun dil ah oo saakay lagu fuliyay Labo nin oo magaalada Muqdisho...

Xukun dil ah oo saakay lagu fuliyay Labo nin oo magaalada Muqdisho dilal ka geestay

0

Maxkamadda ciidamada qalanka sida ee Soomaaliya ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay labo nin oo lagu helay in ay katirsanaayeen Al Shabaab, ragan ayaana horey dilal kala duwan magaalada Muqdisho uga geestay.

Cabdulle Axmed Muudey oo 24 jir ah iyo Cumar Aadan Maxamed, 29, ayaa saakay lagu toogtay fagaaraha Iskool Buluusiya, labadana nin ayaana maxkamadda ciidamada xukunka dilka ah ku riday bishii December ee sannadkii 2020-kii.

Labadan nin ee saakay xukunka dilka ah lagu fuliyay ayaa lagu helay in ay ka dambeeyeen dilal magaalada Muqdisho ka dhacay gaar ahaan kuwa loo geestay labo askari oo lagu kala magacaabayay Cali Cabdulle Maxamed iyo Cabdullaahi Maxamed Hilowle.

Maxkamadda ciidamada ayaa maalmahan wada fulinta xukunno dil ah oo horey loogu riday xubno badan oo katirsan Al Shabaab, waxaana maalmo gudahood xukun dil ah lagu fuliyay ku dhawaad 10-xubnood oo katirsanaa Al Shabaab.

Ad
Previous articleQarax Xoogan oo Ka Dhacay Muqdisho iyo Khasaaro Ka Dhashay(Sawiro)
Next articleNEWS Dowladda Jabuuti Oo Dhakhaatiir Iyo Dawo Soo Gaarsiisay Magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here