Home Wararka Maanta Waa Kuma Labadada Xildhibaan ee Diidan in Dadka Deegaanka ay Alshabaab Ladagaalamaan?

Waa Kuma Labadada Xildhibaan ee Diidan in Dadka Deegaanka ay Alshabaab Ladagaalamaan?

0

Kacdoonka qabaa’ilka ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayey dad badan u arkaan inay tahay fursadda ugu wanaagsan ee looga adkaan karo kooxdan oo sanado badan ay ciidamada dowladda ka guuleysan waayeen.

Hase yeeshee, laba xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka ayaa ka horyimid arrintan, taasi oo dad badan ka yaabisay.

Xildhibaanadan ayaa kala ah; Cabdirizaaq Xusul oo baarlamanka kasoo gala Galmudug iyo Xasan Cabdinuur oo kasoo gala Koonfur Galbeed, horeyna ugu tartamay guddoomiyaha golaha shacabka.

Cabdirizaaq ayaa aad u qabsaday warbaahinta, hase yeeshee waxaa sidoo kale arrintan ka hadlay balse aysan waraabhinta ku baraarugin Xasan Cabdinuur.

“Madaxweynow wixii aan dowladnimo lagu wajihi karin qaab beeleed looma wajihi karee tareenka haynala qalibin,’ ayuu yiri Xasan Cabdinuur oo qoraal soo dhigay bartiisa facebook, isaga oo ka hadlay arrintan.’

Xildhibaan Cabdirizaaq Xusul ayaa isna ciidamada dib u xoreynta deegaanka ee Macawiisley ku sifeeyey kuwo khatar ku ah Soomaaliya, isagoo marna aan wax-xun ka sheegin kooxda Al-Shabaab oo dhibaato badan ku heysa dadka Soomaaliyeed.

 

 

Ad
Previous articleDuqayn Diyaaradeed oo Dad Shacab ah ay Ku dhinteen oo Ka Dhacday Degaan ka Tirsan Shabeelada Hoose
Next articleDowlada Soomaaliya oo shaacisay tallaabo ay qaadeyso kadib DAGAAL looga adkaaday Al-Shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here