Home Wararka Somaliya Akhriso Magacyada iyo Qabiilada Musharaxiinta u taagan Xubnaha Aqalka Sare ee Galmudug

Akhriso Magacyada iyo Qabiilada Musharaxiinta u taagan Xubnaha Aqalka Sare ee Galmudug

0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa xalay xili dambe soo saaray liiska musharaxiinta u taagan kamid noqoshada xubnaha Aqalka Sare ku matali doona maamulka Galmudug.

Liiska musharaxiinta waxaa kusoo baxay sadex Senator oo horey uga tirsanaa Aqaljka Sare ee Baarlamaanka Federaalka halka sadex Senator oo kalana meesha laga saaray laguna bedelay xubno cusub.

Senatarada mar kale soo laabanaya ayaa kala ah Cabdi Dhuxulow Dhagdheeg, Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey) iyo Zamzam Daahir Maxamuud, waxaana meesha laga saaray Sadex Sanator hore uu kamid yahay Abshir Bukhaari.

Madaxweynaha Galmnudug ayaana dib u dhigay labo kursi uu khilaaf xoogan ka jiro kuwaa oo kala ah Kuraasta Beesha Sacad iyo Mareexaan, labadan kursi ayaana ah kuwa si weyn looga war dhoorayo cida liiska musharaxiinta kusoo bixi doonta.

Musharaxiinta uu magacaabay Madaxweyne Qoor Qoor ayaa dhamaan ah xubno ay kala wataan Villa Soomaaliya iyo Mucaaradka, waxaana tartanka kuraastan yihiin kuwa aan mico laheyn maadaama xubnaha la wato soo qorteen kuwa malxiis u noqda.

Halkan ka Akhriso Magacyada iyo Qabiilada Musharaxiinta la shaaciyay

1- Cabdi Axmed Dhuxulow iyo Nuur Xasan Guutaale (Murusade)
2- Yuusuf Geelle Ugaas iyo Daahir Faarax Fiidow      (Duduble)
3- Saciid Siyaad Shirwac iyo Maxamed Daahir Maxamed (Habar Gidir /Saleebaan)
4- Samsam Daahir Maxamuud iyo Farxiya Maxamed Guure (Abgaal /Waceysle)
5- Cabdixakiim Macallin Axmed iyo Ismahaan Cabdi Xuseen (Habar Gidir/Ceyr)
6- Duniyo Maxamed Cali iyo Qadra Cabdullahi Isxaaq           (Dirta Koonfureed)

Ad
Previous articleMusharixiin ka tanaasulay u tartamida Aqalka Sare doorashada ka socota Garowe
Next articleGalmudug oo shaacisay in Sarkaal Shabaab ah oo Galmudug Laga Ergayay uu isku dhiibay Cidamada XDS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here