Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoomiyay Shir arrin muhiim ah...

Wararkii Ugu Danbeeyey Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoomiyay Shir arrin muhiim ah looga hadlay(Sawiro)

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey sidii kor loogu qaadi lahaa wax-soo-saarka iyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka, taas oo ku saleysan qorshaha Xukuumadda Dan Qaram  ee casriyeynta dowladnimada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Wasaaradaha wax-soo-saarka looga fadhiyo sidii ay dalka u gaarsiin lahaayeen isku filnaansho dhaqaale, kana shaqeeyaan sare u qaadida wax-soosaarka iyo daqkhliga.

Xamse Barre ayaana kula dardaarmay wasaaradahan in ay yeeshaan wada-shaqeyn dhow, si wadajir loogu xaqiijiyo hadafka Xukuumadda ee la xiriira isku-filnaansho dhaqaale oo ay Soomaaliya gaarto.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira, barnaamijka istiraatijiyadeed ee Bangiga horumarinta Afrika iyo qorshaha isbeddelka Qaranka iyo Labs’ka Wasaaradaha wax-soo-saara dalka.

Ad
Previous articleXukunka Askari 19 sano ka tirsanaa Ciidanka laguna helay inuu Alshabaab La Shaqaynaayay iyo Xukun lagu Riday
Next articleFarmaajo iyo Shiikh Shariif oo Kusoo laabtay Muqdisho kadib Shirkii Ka dhacay Garowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here