Home Wararka Somaliya Puntland oo war kasoo saartay Go’anka Cusub ee Dowlada in Shirka Garoowe...

Puntland oo war kasoo saartay Go’anka Cusub ee Dowlada in Shirka Garoowe lagu qabto

0

Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo uu Guddoomiyay  Madaxweynaha Puntland, ayaa todobaadkan looga hadlay Doorashada Soomaaliya, Amniga deegaannada Puntland, xaaladda Gobollada iyo Degmooyinka, horumarinta Waxbarashada iyo ansixinta Hindise Xeereedka Goobaha Taariikhiga ah ee Puntland.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland jaamac Dabaraani oo kulan fah fahiyay ayaa sheegay in  Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, uu Golaha uga warbixiyay xaaladda dalku marayo iyo dadaalka Dowladdu gelisay in la xaliyo oo laga heshiiyo tabashooyinka ka dhashay hirgelinta heshiiskii 17-ka September 2020.

Sidoo kale Afhayeenka waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Puntland marwalba kaalin muhim ah ka qaadanayso sidii dalku uga gudbi lahaa marxaladda uu ku jiro, waxayna soo jeedisay in ay muhim tahay in dhakhso shir la isugu yimaado oo lagu qabto Muqdisho madaama Hay’adda Dastuuriga ah ee DFS wakhtigoodu dhammaaday, Shirkuna u baahanyahay wakhti badan in la geliyo, Saamileyda Siyaasadda, Beesha Caalamka iyo dhammaan dhinacyada ay khuseysona ay halkaasi wada joogaan.

Warkan kasoo baxay Puntland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dowladda Soomaaliya ay markale ku celisay in shirka wadatashiga dowladda Federaalka & dowlad Goboleedyada uu ka dhacayo Magaalada Garoowe.

Ad
Previous articleDowlada Somaliya oo war kasoo saartay in Shirka laga badalo Garoowe
Next articleSawiro:- Maamulka Degmada Gaalkacyo oo bur-buriyay Goobo lagu keedin jiray Qamriga iyo Maandooriyaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here