Home Wararka Maanta Ciidamo Cusub oo Maantay Laga Soo Dajiyay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho(Sawiro)

Ciidamo Cusub oo Maantay Laga Soo Dajiyay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho(Sawiro)

0

Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa Muqdisho kasoo dejisay ciidamo ay Dowladda Nigeria usoo dirtay Soomaaliya, kuwaas oo ka mid noqonaya howlgalka ATMIS, qaybta booliska oo taageero tababar iyo la talin u fidin doono Booliska Soomaaliya.

Askartan oo tiradoodu ay gaareyso illaa 160 askari ayaa bedelaya kuwa kale oo loo yaqaan Nigeria Formed Police Unit 10, kuwaas oo dhawaan ku laabtay dalkaasi, kadib markii ay soo gabagabeeyeen howlgalkooda shaqo oo ay ka mid ahaayeen in ay gacan ka geystaan sugidda amniga intii lagu jiray doorashooyinkii soo dhammaaday ee ka dhacay Soomaaliya.

Sida ku cad Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, qaybta booliska ee ATMIS waxay yeelan doontaa 1,040 askari oo ay ku jiraan 5 Unug boolis oo la sameeyay, waxayna shaqeyn doonaan illaa marka la gaaro December sanadka 2024-ka.

Wadamada booliska ku deeqay ATMIS ayaa waxa ay kala yihiin Ghana, Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Uganda iyo Zambia kuwaas oo la geeyay shanta qaybood ee howlgalka.

 

Ad
Previous articleMagacyada Maxabiisti ka Fakaday Xabsiga Gaalkacyo oo la Shaaciyay lacagana La Dul dhigay
Next articleAxmed Karaash oo Markale Deni Kusoo Dhaweeyey Puntland Xili khilaaf Xoogan Ka dhaxeeyo(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here