Home Wararka Maanta Saraakiil Katirsanaa Booliska Haramcad oo Xabsiga La Dhigay iyo Sababta oo...

Saraakiil Katirsanaa Booliska Haramcad oo Xabsiga La Dhigay iyo Sababta oo la Ogaaday

0

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Xabsiga dhigay qaar ka mida saraakiisha Ciidanka Haramcad ee fal ka baxsan bani’aadam nimada maanta kula kacay Suxufiyiin doonayay inay tabiyaan qasaaraha weerarkii xalay ka dhacay degmada Kaxda.

Wariyaal ka howlgala Qaar ka mid ah Talefishinada Madaxa Banaan ayaa ciidamada Haramcad waxay u geysteen jirdil xili ay ku guda jireen hawlahooda shaqo waxaana bogga loo dhigay dhulka inta shaararka laga siibay iyado qoraxdu kulushahay.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliyeed Sareeye gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa xaqiijiyay in amar kasoo baxay xafiiskiisa lagu xiray Sarakiishii falkaas ka dambeysey.

Waxaa uu sheegay inuu aad uga xun yahay falkaas kana raali gelinayo warbaahinta Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in saraakiishan falkan loo xiray la soo taagayo Maxkamad sharcigana la marin doono.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA TACADIGA LOO GEYSTAY SUXUFIYIINTA

Ad
Previous articleWafdi Ka Socday Qaramada Midoobay oo Gaaray Dhuusamareeb iyo Qoor Qoor oo Qaabilay(Sawiro)
Next articleCali yare Cali oo Quustay iyo Mahad Salaad oo Shahadada Musharaxnimo Qaatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here