Home Wararka Maanta sidee Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha shacabka Loogu soo dhaweeyay Galgaduud...

sidee Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha shacabka Loogu soo dhaweeyay Galgaduud {SAWIRO}

0

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa maanta gaaray magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Guddoomiya ku-xigeenka ayaa markii uu soo gaaray Caabudwaaq waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay Maamulka Degmada Caabudwaaq Wasiiro  iyo Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Galmudug iyo qeybaha bulshada.

Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyay Madaarka Diyaaradaha Degmada waxaa uu ka mahad celshay soo dhaweynta loo sameeyay.

Ad
Previous articleDoorashada Konfur galbeed oo Maanta bilaabanaysa
Next articleXog: Madaxweyne Qoor qoor oo Maanta ku dhawaaqa Liiska Musharaxiinta aqalka sare iyo xubna Muhiim ah oo liiska laga saarayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here