Home Wararka Maanta Senator Cusmaan Abuukar Dubbe oo Hadal Lagu Tilmaamay Xaqiiqada Qaraar ka Horjeediyay...

Senator Cusmaan Abuukar Dubbe oo Hadal Lagu Tilmaamay Xaqiiqada Qaraar ka Horjeediyay Aqalka sare

0

Senator Cusmaan Abuukar Dubbe oo maanta ka hadlay fadhiga Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn u canaantay Xildhibaannada, xilli dalka uu ka socdo dagaal Al-Shabaab ka dhanka ah.

Dubbe ayaa wuxuu ugu baaqay Xildhibaannada iyo madaxda kale ee dalka in ay dagaalka qeyb ka noqdaan oo aan kaligiis lagu fiirsan Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan ayaa muddo toddobaad ka badan magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug u jooga howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee looga xoreynayo deegaanada weli ku harsan tahay kooxda ee maamulkaasi, kaasi oo dhameystir u ah wejiga koowaad ee dagaalka.

Senator Dubbe ayaa eed culus u jeediyay Xildhibaannada, isaga oo sheegay in qaarkood ay  ku mashquuleen qaaci iyo dalxiis halka madaxweynihii dalka uu jooga furimaha dagaalka.

“Madaxweynihii Jamhuuriyadda Tuute ayuu xirtay, furintii ayuu joogaa, Xildhibaannadii Qaaci ayey tumanaayaan oo Xamar bey joogaan, qaar kooda Ciyaaraha ayey daawanayaan,” ayuu yiri Senator Dubbe.

Waxa uu intaas kusii daray “Waa in dagaalka la wada galo oo furimaha la wada tago, waana in la fasaxo waxbarashada, shaqaalaha dowladda, si loo wada galo dagaalka dalka looga xoreynayo argagixisada.”

Waxa uu soo jeediyay si guul wax ku ool ah looga gaaro dagaalka socda loo wada istaago, taasi bedelkeedana ay noqoneyso Soomaaliya meel laga quusto haddii laga adkaan waayo argagixisada.

“Waxa ay ahayd dhammaanteen in aan gurmanno, maanta jiritaankeen ayaa la’isku hayaa, intii aan u gudbin Federaal. Dad baa u haysta in haddii Xasan Sheekh uu ku soo jabo dagaalka in dowlad cusub iska imaaneyso; Wallaahi in aanan noqoneynin, Soomaaliya waxa ay noqoneysaa meel ay ka quustaan maalgaliyaasha.”

Ad
Previous articleBurcad dhac Gaysanaysay iyo Hubkoodii oo Muqdisho lagu Qabtay(Sawiro)
Next articleQarax ka dhacay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here