Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo hawada ka celisay diyaarad labaad oo ku socotay Hargeysa

Dowlada Soomaaliya oo hawada ka celisay diyaarad labaad oo ku socotay Hargeysa

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale maanta hawada dalka ka celisay diyaarad ka diiwaangashan dalka Thailand, isla markaana ku socotay dhinaca magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland.

Diyaaradda oo aheyd Cargo registration P4-JAG P4-JAG ayaa xilliga la celinayay kasoo duushay magaalada Sharjah ee dalka Imaaraadka, ayada oo ku socotay Hargeysa.

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda shaqo maanta oo Khamiis ah. 18/01/2024 waxay dib ugu celisay hawada Soomaaliya diyaarad nooca xamuulka qaada (cargo) oo ka diiwaangashan waddanka Thailand (registration P4-JAG), taasoo isku dayeysay inay u kala duusho Sharjah iyo Hargaysa” ayaa lagu yiri warxaafadeed ay soo saartay Hay’adda Duulista Rayidka Hawada Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa ay hay’addu sheegtay in diyaaraddu  ay ku guul-daraysatay inay bixiso macluumaadka Cargo ay wado, taasna ay keentay shaki, kadibna sidaas loogu diiday inay soo gasho hawada.

Diyaaradda ayaa ku guul-darraysatay inay bixiso macluumaadka xamuulka ay waddo (cargo), waxayna qaadatay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed go’aanka sharciga ah oo dhigaya inaysan hawada Soomaaliya soo geli karin diyaaraad aan la hayn maclumaadka ujeedka safarka iyo waxa ay sido , waxaana dib looga celiyay diyaaradaa inay soo gasho hawada Soomaaliya” ayaa mar kale lagu yiri qoraal kasoo baxay Hay’ada Duulista Rayidka.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Somaliland oo ku aadan diyaaradda maanta laga celiyay deegaanadeeda, gaar ahaan caasimadooda Hargeysa.

Shalay ayay ahayd markii sidaan oo kale dowladda dhexe ay hawada dalkeenna uga celisay diyaarad wafdi Itoobiyaan ah u waday magaalada Hargeysa, kana soo duushay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalkaas, xilli ay sii xoogeysaneyso xiisadda labada dowladood.

Tallaabadan waxa ay si gooni ah u saameysay Somaliland oo weli aan helin ictiraaf, waxaana hawada laga maamulka magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliyeed.
Ad
Previous articleWararkii Igu Danbeeyey 5 Qof oo lagu Dilay Degmada Galdogob iyo Qofkii Dadka laayay oo la Dilay
Next articleFaahfaahinta diyaarad gargaar sidday oo ka baxday dhabaha diyaaradaha Ceelbarde

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here