Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Gudoomiye Aadan Madoobe oo kulan la qaatay Saraakiil Ciidan Xili uu...

Gudoomiye Aadan Madoobe oo kulan la qaatay Saraakiil Ciidan Xili uu Khilaaf Xoogan Kala Dhaxeeyo Laftagareen (Sawirro)

0

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la yeeshay saraakiisha ciidanka Qeybta 60-aad Guutada 9-aad ee ku sugan degmada Xudur Gobolka Bakool.

Ku-simaha Madaxweynaha JFS. ayaa Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Booliska ee ku sugan magalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool ku boggaadiyay sugidda amniga deegaanada iyo dadaalka joogtada ah ay ku bixiyaan la dagaalkan kooxda Al-Shabaab .

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa ku dhiirageliyay saraakiisha ciidanka ee jooga Xudur in aysan marnaba ka niyad jabin dagaalka dalka looga xorreeynaayo kooxda Al Shabaab ee godoomiyay gobolka Bakool.

Sheekh Aadan Madoobe oo shalay gaaray magaalada Xudur ayaa halkaasi ka wada kulamo uu la qaadanayo qeybaha kala duwan ee bulshada , waxa uuna halkaasi u tagay abaabulka howlgalo ka dhan ah Al Shabaab.

Ad
Previous articleGudoomiye Sheekh Aadan Madoobe Oo Gaaray Xudur Iyo Lafta-Gareen Oo Xilka Laga Tuuraayo(Sawiro).
Next articleMooshinka laga keenay Gudoomiye Sacdiya oo weji cusub yeeshay iyo Xogtii ugu danbaysay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here