Home Wararka Somaliya Xubin ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka Galmudug

Xubin ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka Galmudug

0

Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa isku soo dhiibay Xubin ka tirsan Ururka Al-Shabaab, kaas oo lagu Magacaabo Deeq Cabdul Maciin, Al-Shabaab dhexdoodana looga yaqaanay Shiine.

Ninkaan ayaa muddo ka howlgalayay degaano kuyaal Koonfurta Gobolka Mudug, xilligii ay ka socdeen dagaaladii u dhaxeeyay Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug oo dbinac ah &  Al-Shabaab.

Deeq Cabdul Maciin oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Al-Shabaab uu u qaabilsanaa dhigista miinooyinka, sidoo kalena sababta u uga soo baxay Al-Shabaab  ay tahay dhibaatooyin kala duwan uu kala kulmay Al-Shabaab intii uu ka tirsanaa.

Dhowr jeer ayaa sidaan oo kale Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug waxaa isku soo dhiibay Saraakiil iyo Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo ka howlgeli jiray degaannada Galmudug.

Ad
Previous articleXiisad ka taagneyd Koonfurta Gobolka Mudug oo laga gaaray Heshiis Hordhac ah
Next articleSimon Mulongo oo ka Hadlay Ceyrintii Dowlada Somaliya Kula Dhaqaaqday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here